U bood dhigaalka

15 Faa’ido oo Ay Soomaaliya Ka helidoonto Ku Biirista Daladda EAC

Isdhexgalka dhaqaale waa hannaan lagu mideynayo shuruucda iyo siyaasadaha dalalka si loo dhiirigeliyo ganacsiga, maalgeshiga iyo shaqoabuurka, waana taasi midda ay u taagan tahay dallada bulshada bariga Afrika ee ay Soomaaliya ku biirtay November 24, 2023, noqotana dalkii 8-aad.

Dalalka qeybta ka ah ururkan ganacsi ayaa isku furran inta u dhaxeysa Badweynta Atlantika ilaa Badweynha Hindiya kuwaas oo kala ah; DRC,  Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan iyo Somalia, tani oo suurogelinaysa in dalkaasi ay ku midoobaan suuq, canshuue, lacag iyo arrimo bada.

Faa’idada Dhaqaale ee Kubiirista EAC:

(1). Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururkan EAC iyada oo wax laqeybgsan doonta suuq ilaa 300 milyan ah, waan shucuub kala dhaqan, diin iyo af ah.

(2). Wax Sooraar: Faa’idooyinka kujira waxaa ka mid ah in dalagyada iyo guud ahaan wax soosaarka Soomaaliya la gaarsiiyo dalalkaasi kala duwan. Xoolaha, kalluunka iyo dhammaan dalagyada ayaa heli doona dhoofin iyo in ay fursad ka helaan suuqaasi.

(3). Silsiladda Ganacsi: Ganacsatada Soomaaliyeed oo ah dad firfircoon ayaa fursad u heli doona in ay ku safraan, kana ganacsadaan bariga Afrika iyada oo laga qaaday caqabadihii ku hor gudbanaa.

(4). Tartanka Ganacsi: Ku biirista EAC,  waxaa ay horseedi doontaa in Soomaaliya ay tartan dhan walba ah la gasho ilaa 7 dal oo kale, waxaana soo kordhi doona arrimo ay ka mid Teknoloji, jidad iyo arrimo kale.

(5). Maalgelin Bangiyo: Soomaaliya waxaa ay arrinkan dartii ku heli doonaa maalgelin caalami ah, sida East African Development Bank tan oo kor u qaadi doonta warshadaha, adeegyada, beeraha iyo dhammaan hanaanada wax lagu hormariyo.

(6). Ka faa’ideysiga Gobollada Kale: Waxaa ay Soomaaliya fursad u heli doontaa in ay xiriir fiican la yeelato suuqyada Galbeedka iyo Koonfurta Afrika sida; COMESA iyo  (SADC).

(7). Maalgelin Toos ah: Arrimaha kale ee kubiirista ay faa’idada u leedahay waa helidda maalgelinta tooska ah ee foreign direct investment (FDI), taasi oo ku imaanaysa in suuqyada oo dhami ay furmaan, dhaqaalaha uu kordho, shaqoabuur la helo iyo arrimo kale.

(8). Xoojinta siyaasadaha Macroeconomic: Dowladda Soomaaliya waxaa ay xoojineysaa ganacsiga yaryar si ay ula jaanqaado dalalka xubnaha ka ah, waxaana ka mid ah siyaasadaha lacagta in ay lasoo socdaan hiihsida dalalka, taasi oo keeneysa xasilooni maaliyadeed.

(9). Deymo la kala qaato; Dalalka xubnaha ka ah ururka daladda bariga Afrika waxaa ay kala qaadan karaan deymo. Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa fursad u heli doona deymo ay ka qaataan bangiyo kala duwan oo Kujira dalalka xubnaha ka ah.

Faa’idooyinka Siyaasiga ah:

(1). Sameynta Go’aannada Gobolka: Soomaaliya waxaa ay fadhin doontaa goobta lagu gaarayo go’aanno masiiri ah ee gobolka, gaar ahaan dhaqaalaha iyo siyaasadda oo aan kala maarmin.

(2). Wadashaqeynta iyo Diblomaasiyadda waa faa’ido kale oo laga helayo kubiirista Soomaaliya ee ururkan, waxaana aad usii xoogeysana xiriirka labogeesoodka ah iyo kan dhinacyada badan.

(3). Xoojinta Dowlad Wanaagga iyo Dimoqraadiyadda waa ujeedo kale oo la faa’idi karo urur goboleedka ay Soomaaliya ku biirtay.

(4). Nabadda iyo xallinta khilaafaadka waa faa’ido kale oo laga helayo ururkan, iyada dalalka bariga Afrika ay fursad u heli doonaan xallinta wixii khilaafaad ah ee jira, iyo kashaqeynta nabadda.

(5). Xuquuqul insaanka: Arrimaha kale ee muhiimka ah eel aga faa’idayo ku biirista dalladan waxaa ka mid ah ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sarreynta sharciga oo ka mid ah arrimaha aasaaska u ah xiriirka caalamiga ah. (6). Pan-Africanism: Ka mid noqoshada ururkan waxaa uu fursad siin doonaa in dadka Soomaaliyeed ay kusii dhowaadaan Afrikaan, iyada oo wax badan iska badali doonaan arrimaha isirka, dhaqanka iyo wixii la midka ah.