U bood dhigaalka

Ra’iisulwasarae Xamse oo Kismaayo u Tagay u Kuurgalidda Xaaladda Fatahaadaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo,iyada oo ujeedku ahaa u kuurgelidda xaaladda fatahaadaha, diyaargarowga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada maamulka Maxamuud Sayid Aada , Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland ayaa qeyb ka ahaa soo dhoweynta maamulka.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland, waxaa uuna inta halkaasi joogay kulamo la yeeshay maamulka iyo qeybaha bulshada.

Ra’isul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa inta uu kusugan yahay magalada Kismaayo waxaa uu ka qeyb qaadan doonaa xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay, waxaana safarkiisa magalada Kismaayo kusoo beegmayaa xilli Jubbaland Fatahaado ku rogmadeen.