Ra’iisulwasaare Xamse oo Kismaayo Ka Daahfuray Mashruuca Xalkawaara oo Dalka Laga Hirgelinayo
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2023/11/27202459/xalka-1600x1200.jpg)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada dowlad goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed,
Saddexda mashruuc ee maanta la daah-furay oo kala ah; XALDOON, NEGAAD iyo SEPOW, ayaa looga golleeyahay in wax looga qabto saameynta uu isbeddelka cimilladu ku yeeshay baracayaasha ku nool Soomaaliya, La-qabsiga Isbeddelka Cimillada iyo Xalka waara ee dadka ku dhaqan Dooxada Wabiga Shabeelle ee uu saameeyay barakaca iyo xoojinta ka qeyb-qaadashada Horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Dumarka Jubaland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey hey’adaha iyo dowladaha mashaariicdani ka taageeraya Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee El-nino.
Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo barmaanijyada xalka waara u noqon kara dhibaatooyinka soo noq-noqda ee dalkeenna saameeya.
Munaasabadda daah-furka mashariicda, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Wasiirro ka socday Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Danjiraha Midowga Yurub iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya.