U bood dhigaalka

Dubiai: Madax Kascota 200 dal oo uu Madaxweynaha Soomaaliya kujiro oo kaqeybgalaya shirka Isbedelka Cimilada Adduunka

Magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa waxaa maanta ka furmay shirka Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28), kaas oo ay ka qeybgalayaan in kabadan madax kala socota 200 oo wadan, xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugan yahay halkaasi, si uu uga qeybgalo madasha COP28.


Shirka COP28 ayaa la filayaa inta uu socdo in siweyn looga dodo waxkaqabashada xaaladda sii adkanaysa ee ay sababta u tahay isdelka ku yimid Cimilada Adduunka, xilli dalal badan oo kamid kuwa sookoraya ay wajahayaan saameynta ka dhalatay tan iyo October oo roobab da’ay daadad xooggay ay kusoo rogeen.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dubai ayaa lagu wadaa in shirka uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda adage e isbedelka Cimilada ay sida gaarka ah ugu yeesheen dalka, oo siweyn looga dareemayo isbedelka cimilada iyo saameynta El-Nino.


Xilligaan dunida ayaa si isku mid ah u wajahaysa saameynta isbedelka cilimada Adduunka, waxaana aad isusoo taraya digniinaha duufaanta El-nino oo dalal badan siweyn looga dareemay, xilli dhacdadii ugu adkeyd sanadkaan ay ka dhacday magaalada Derna ee dalka Libiya oo ay ku dhinteen 13,000 oo qof.