U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Laga Qaaday Cunaqateynta Hubka, Akhriso Muhiimadda iyo Sooyaalka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Jimcohii waxaa uu cunaqabatayna hubka qaaday Soomaaliya kadib 31 sano.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa loogu mahadceliyay golaha ammaanka go’aankan Taariikhiga ah iyada oo tillaabadan lagu dheegay mid wax badan katari doonta nabadda iyo xasilloonida.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban kajeediyay munaasabadda ayaa shacabka ugu bishaareeyay qaadista cunaqbateynta hubka “31 ayey Soomaaliya saarnayd cunaqabatayn hub, waxaa ay ahayd cunaqbatayntii ugu dheereyd ee taariikhda UN-ka weligeed dowlad la saaro, dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadkii 32-aad cunaqabatayn hub in aanay na saarneyn, maanta dalka Soomaaliya waa laga qaaday dhammaan cunaqbateyntii hubka”

Muhiimadda Qaadista Cunaqbateynta Hubka ayaa noqon karta in;

(1). Soomaaliya oo hadda kujira ladagaalanka Shabaab ay fursad u hesho hub casri ah oo wax badan ka badali kara awoodaha.

(2). Ilaalinta qarannimada oo 30-kii sano oo tagay aanay ciidanka xoogga dalka wada heyn xuduudaha dhul, bad iyo cir ayay tani saacideysaa in ciidamadu helaan awood militari.

(3). Soocinta Amniga iyo Kala dambeynta waa Muhiimadda kale oo ay Dowladda kaheli doonto ka faa’ideysiga tallaabadan.

(4). Kor uqaadista awoodda ciidanka iyo tayeynta hubka ay heystaan waa hadaf muhiim ah oo laga helayo qaadista cunaqbateynta hubka

Sooyaalka Cunaqabateynta Hubka:

Golaha Ammaanka oo kajawaabaya dagaallada sokeeye iyo xaaladda Banii’aadnimo ee ay jirtay ayaa Janaayo 1992-kii waxaa ui Soomaaliya kusoo rogay qaraar 733 cunaqabateynta hubka.

Inkasta oo la qafiiyay marar kala duwan sida 2001, 2006, 2007, 2008, 2009 iyo 2013 ayaa marnaba ma dhicin in sidan oo kale loo wada qaado.

Xilliyada ka qafiifiyay waxaa dhici jirtay in dowladda Soomaaliya ay codsato, kadib ay golaha ogolaadaan in ay soo degsato hub fudud iyo saanad lala socdo iyaga oo lagu darayay qaraarada in si gaar ah loo bartilmaamredsanayo ciddii ku xadgudubta gaar ahaan dhinacyada aan dowladda ahayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan ku tilaabsanaysa tallaabooyin taariikhda iyada oo 24-kii November ku biirtay AEC oo ah urur dhaqaale oo ay ku mideysan yihiin dalalka bariga Afrika halka December 1 laga qaaday cunqabateynta hubka oo 31 sano saarnaa, waxaana la filayaa in isla bisha gudaheeda laga cafiyo deyn caalami ah oo dulsaarneyd 40 sano.