U bood dhigaalka

Mu’asasada Hormuud Salaam Foundation oo 1 Milyan Ugu Deeqday Fatahaadaha Dalka

Muqdishu, 05 Diseembar, 2023: Iyada oo ay wali jirto saamayn xooggan iyo qasaare maal iyo mood leh oo ay sababeen daadadka iyo fatahaadaha ka dhahasay roobabka xilliga guga oo ka curtay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada dalka, ayaa waxaa isa soo taraya dadaallada kala duwan ee loogu gurmanayo shacabka Soomaaaliyeed ee ay dhibaatadu ka soo gaartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilli hore ku dhawaaqday heerka ay gaarsiisan yihiin khasaaraha lixaadka leh ee la ogyahay, iyada oo Wasiirka Warfaafinta Dowladdu tilmaamay in ay daadadku saamayn ku yeesheen in ka babdan hal malyan oo qof, isla markaana ay jiraan burbur iyo barakac fara badan oo ka dhashay roobabka El-Niño. Dowladda oo kaashanaysa qaybaha kala duwan ee culimada iyo bulshada rayidka ayaa sidoo kale baaq u dirtay shacabka Soomaaliyeed sidii ay ugu gurman lahaayeen walaalahooda ay waxyeelladu soo gaartay.

Mu’asasada Hormuud Salaam Foundation oo hoostagta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Bangiga Salaam ayaa maanta ku dhawaaqday in ay ugu deeqday dadka ay fataahaduhu dhibaateeyeen lacag dhan hal (1) milyan oo doollar si ay u xoojiso dadaallada wax looga qabanayo saamaynta taban ee daadaka ay sababtay El-Niño.

War qoraal ah oo maanta soo baxay ayaa ay Mu’asasadu ku shaacisay “Annaga oo mar kasta ka jaawabeyna xaaladaha adag ee la soo gudboonaada dadkeenna diyaarna u ah in aan garab-istaagnno, ayaan waxaan ugu deeqnay lacag dhan $𝟭,𝟬𝟬𝟬,𝟬𝟬𝟬 (𝗛𝗮𝗹 𝗠𝗶𝗹𝘆𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗱𝗼𝗹𝗹𝗮𝗿) dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacaya qaar ka mid ah gobollada iyo degmooyinka dalkeenna.”

Maamulaha Mu’asasada Mudane Cabdullahi Nur Cismaan aya dhankiisa sheegay in Mu’asasada Salaam Hormuud Foundation ay ka go’antahay in ay taageerto isla markaana ay si hoose ula socoto xaaladaha dadka waxyeelladu gaartay. “Dhamman shaqaalaha iyo maamulka Hormuud iyo Bangiga Salaam waxa ay si firfircoon uga qaybqaadanayaan howlaha gargaarka iyo samata-bixinta ee socda.” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Mu’asasada Hormuud Salaam Foundation ayaa dhawaanahan door lixaad leh ka qaadanaysay gargaarka iyo gurmadka wax looga qabanayo dhibaatooyinka kala duwan ee dalka ka jira, iyada oo qayb ka ah masuuliyadda arrimaha bulshada ee ay muhiimka tahay in si gooni ah xilka la isaga saaro.

Sida uu tilmaamay Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo goor sii horreysay Barlamaanka warbixin siinayay, waxaa wali dalka si ba’an uga jirta saamaynta fatahaadaha ka dhashay El-Niño, iyada oo goobaha sida daran ay u saameyeen daadadka uu Wasiirku ku sheegay in ay yihiin deegaannada Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Soomaaliyada ayaa wajahaysa xaalado adag oo ka dhashay darajada heerkulka caalamka oo sii kordhaysa iyada oo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay furitaanka Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP28) oo ka dhacay Isu-tagga Imaaraadka Carabta uu khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay sida tooska ah u saamayeen dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada sii xumaanaysa ee caalamka.