U bood dhigaalka

Ingiriiska oo Soomaaliya Ugu Deeqaya $19.9 Million

Dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dalalka caawiya Soomaaliya ayaa yaboohday maaliyad wax looga qabanayo fatahaadaha iyo Xaaladda Banii’aadnimo taas oo gaareysa ilaa 19.9 Million oo dollar.

Arritan ayaa imaaneysa iyada oo Soomaaliya ay ka da’ayaan roobabka El Niño, kuwaas oo saameeyay 2.4 Million oo qof, iyaga oo isaga hayaamay deegaannadii ay deganaayeen.

Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday £5.5 milyan oo gini oo lagu maalgalinayo gargaarka wax ka qabashada El Niño ee Soomaaliya, xilli deegaannada Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo qeybo kamid ah Galmudug ay wajahayaan.

“Taageerada UK waxay ku bixin doontaa caafimaad, nafaqo, biyo iyo fayadhowr muhim ah qaar ka mid ah bulshooyinka ugu nugul Soomaaliya ee ay fatahaaduhu saameeyeen,” ayaa lagu yiri qoraal kooban kasoo baxay safaaradda dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

UK ayaa sidoo kale Soomaaliya ugu dhawaaqday £7.4 milyan oo ah ilaalinta caymiska abaaraha maadaama Soomaaliya ay kamid tahay deegaannada ay sida weyn u saameysay abaarta soo noqnoqota ka hor inta ay bilaaban musiibada El-nino oo unta badan dunida laga dareemay.

Isla safaaradda Britain ayaa sidoo kale sheegtay ilaa 7 milyan oo doolar oo ka mid ah maalgelin dheeraad ah oo lagu taageerayo wax ka qabashada bini’aadantinimo ee socda, kuwaas oo ka dhalan kara cabsida iyo walaac laga qabo isbedelka Cimilada.

Sikastaba ha ahaatee lacagtaan oo wadar ahaan gaareyso 19.9 Million oo dollar ayaa ka dambeysay, kadib markii madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku dhawaaqay in Soomaaliya ay u baahan tahya gargaar, dowladdana aysan awoodin la tacaalidda dhibaatada Elnino.