U bood dhigaalka

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saraakiil Turki ah oo Ka Wadahadlay Dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Somalia ku qaabilay khubaro milatari iyo saraakiil sarsare oo ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo kamid ah dowladaha siweyn u garab istaagay Soomaaoliya.

Madaxweyne Xasan ayaa mas’uuliyiintan uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiyeed iyo dagaalka ka dhanka Alshabaab oo qeyb ka yihiin diyaardaha dagaalka Turkiga, kuwaas oo caawiya ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Kulanka oo uu qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta iskaashiga dhanka milatariga ee labada dal, muhiimadda taageerada walaalaha Turkiga ee howlgalka xoreynta iyo qorshaha tababarrada Ciidamada.
Dowladda Turkiga ayaa qeyb waxaa ay diyaaradaheeda dagaalka ay qeyb ka ahaayeen dhowr howlgal oo kamid ah wajiga koowaad ee dagaalka Al-shabaab, waxaana lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan dhameystirka wajiga koowaad ee deegaannada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Shirkan labada dhinac ayaa imaanaya xilli dhowaan dowladda Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka, waxaana markaas kadib soo baxayay dowlado dhowr ah oo doonaya in Soomaaliya ay ka caawiyaan heliytaan hub casri ah, iyadoo dowladdu sheegtay in dhowr dal ay lasoo xiriireen.