U bood dhigaalka

SoDMA oo Shaacisay Khasaaraha Dhimasho iyo Barakac ee Fatahaadaha Soomaaliya

Hey’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa faahfaahin ka bixisay halka ay mareyso saameynta iyo khasaaraha ka dhashay roobabka iyo fatahaadaha ku dhuftay dalka ay sababeen isbelka Cimillada iyo duufaanta El-Nino ee Isbiirsaday xilli 118 ruux ay dhinteen.

Agaasimaha xarunta howlgalada gurmadka deg-degga ee hay’adda Xasan Cabdulqaadir Ciide oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhibaatada ka dhalatay El-Nino ilaa iyo hadda ay saameysay 2.5 Million oo ruux, isaga oo ka deyriyay fatahaadii ugu dambeysay ee Hiiraan.

Agaasimaha ayaa intaas ku daray in Wabiga Shabeelle uu fatahaad hor leh ka sameeyay magaalooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi, isaga oo intaas raaciyay in ay sidoo kale socdaan gurmadka loo fidinayo dadka wali ka imaanaya deegaannada Jubbaland ee ku go’doomay.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in musiibada ka dhalatay roobabka iyo daadadka ay yihiin kuwa xadkooda dhaafay loona baahan yahay in gurmad deg deg ah lasoo gaarsiiyo, xilli wali ay siweyn u socdaan fatahaadaha ay sameynayaan Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.
Hey’adda SODMA oo Shaacisay Tirada Dadka Ku Geeriyooday Fatahaadaha iyo Roobabka Isbiirsaday.