U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Shirka IGAD Uga Hadlay Arrimo ay Kamid Yihiin Dagaalka Shabaab, Iskaashiga Goboka iyo Qaar kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 41-aad ee Madaxda dalalka IGAD ayaa ka hadlay kubist a EAC, la dagaalanka Shabaab iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka qaateen in Soomaaliya ay ku biirto Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saarnayd dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu ka jeediyey fadhiga Hoggaamiyeyaasha IGAD waxa uu ku tilmaamay caqabadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka gobolku, kuwaas oo ay ka mid yihiin waxa loogu yeero argagixisada, saameynta isbeddelka cimilada iyo colaadaha oo siweyn xilligaan saameyn ugu leh Soomaaliya.

“Xubnaha Urur Goboleedka IGAD waxaan uga mahadcelinayaa taageerada ay siiyeen qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya iyo codsigeenni ku aaddanaa ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika, tallaabooyinka oo ka markhaati kacaya dadaalka aan ugu jirno xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo horumarsan”.

Shirka inta uu socday, waxa ay Madaxda IGAD ay warbixin ka dhageysteen Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkaas Mudane Cabdulfataax Alburhaan oo dul istaagay waanwaanta IGAD ee ku aaddan dagaalka dalka Suudaan, taas oo dowladda Soomaaliya ay ka mid tahay xubnaha ku howllan xal u helista dagaalkan ee heer IGAD.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ay ka taagan tahay dagaalka dalkaas, kaas oo ku saleysan casharkii shacabka Soomaaliyeed ay ka barteen burburkii dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Suudaan shacab iyo dowladba ay abaal weyn ku leeyihiin dadkeenna Soomaaliyeed.