U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay oo Gaaray Baardheere

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, qaybna ka yihiin u qaybsamaha Qaramada midoobey ee arimaha gargarka iyo ban’iadanimada {DSRGS) George Conwey, Madaxda Hay’addaha UNICEF, WFP iyo madaxa Mashruuca gargaarka degdega ee hay’adda FAO Somalia, UN-OCHA Somalia ayaa gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo kamid ah degmooyinka sameenta ay ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wasiiro katirsan Maamulka Jubbaland, waxaana lagu sheegay ujeedada Socdaalkooda inuu la xariirtey u kuur gelidda sameynta ka dhalatey fatahaaddii uu sameeyey webiga Jubba ee mara degmada Baardheere, Burburkii Buundadii muhiimka u ahayd Bulshada magaalada Baardheere iyo Saameenta wayn ee ka dhalatay fatahaadaha Elnino.

Xubnahaan ayaa waxa ay boqdeen sidoo kale xirooyinka ay daganyihiin dadka Barakacaaysha ah ee sida ba’an u saamaysay fatahaada, Buundada Burburtay, Isbitaalka degmada iyo Xarunta Mamulka degmadaas, magaalada ayaa waxaa wali ka muuqda saameynta iyo burburkii ka dhashay fatahaadaha iyo roobabaka isbiirsaday ee ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland.