U bood dhigaalka

Qatar: Duqa Muqdisho oo la kulmay Dhiggiisa Dooxa

Guddoomiyaha Goobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magaalada Doha ee Caasimadda Dalka Qatar kula kulmay dhigiisa Duqa Magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin oo la kulmay wafdiga gobolka.


Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay dib u cosbooneysiinta heshiiska Mataaneynta Muqdisho Iyo Doha, taageeridda mashaariicda dhismaha Bullaacadaha Muqdisho, helida sida Gaadiidka kala duwan ee lagu xoojinayo bilicda Caasimadda iyo horumarinta labada caasimadood.

Duqa Magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin talaaba kaste oo lagu taageerayo horumarinta Magaalada Muqdisho iyo dardargalin qorshaha mataaneenta Doha iyo Muqdisho oo uu safar uu ku joogo guddoomiye Madaale.

Guddoomiyaha G/banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Qatar iyo shacabkeeda sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay markale caga heeda ugu istaagi laheyd mustaqbalka.