U bood dhigaalka

New York: Madaxweynaha Soomaaliya oo Guddoomiyay Shirka Amniga Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominayo shirka Amniga Soomaaliya oo ka furmay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan xaaladda amniga Soomaaliya iyo ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya.

Ajandaha madasha Amniga Soomaaliya ee la dagaallanka AS waxa uu in muddo ah ba ahaa Ajando ay saaxiibada caalamiga ah hagaan, taas ayaana aheyd sababta istiraatijiyadda la dagaallanka AS ay u ahayd “Containment Strategy” ama Istiraatiijiyad sheegeysa “halkooda ha lagu hayo” dagaalka kooxda oo muddo 15 sano soo maray marxalado kale duwan.

Shirka Amniga Soomaaliya ee ka socda #NewYork waxa uu ku soo aadayaa xilli muhiim ah, xilli uu Madaxweyne Hassan Sheekh Mohamud guulo waaweyn ku hoggaaminayo dowladda Soomaaliya, waxaa guulo la taaban karo laga soo hoyay dagaalka AS, waxaa lagu guuleystay in cunaqabateyntii hubka laga qaado Soomaaliy, iyo barnaamijka Deyncafinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa uu sheegay in dowladdu qorshaysay mashruuc ballaaran oo adeegyada dowladda lagu gaarsiinayo deegaanada baaxadda leh ee dhawaan lagu xoreeyey Al-shabaab ay helaan adeegyada arrimaha bulshada , sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee dowladda, kuwaas oo aysan arag muddo dheer.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhawrkii sano ee ugu dambeeyey ay dhismayeen ciidamada Soomaaliyeed, haatana ay soo gaareen waqti kalsooni lagu qabo inay la wareegaan ammaanka dalka, isagoo u mahadceliyey hawlgalka midowga Afika oo sanado badan Soomaaliya ka caawinayey dhinaca amniga, haatana isku diyaarinaya ina la soo gabangabeeyo.

Madasha waxaa goobjoog ka ahaa dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo midowga Yurub oo siyaabo kale duwan qeyb uga ahaa taageerada.