U bood dhigaalka

Ammarro la Dul Dhigay Gaadiidleyda Magaalaada Baladweyne

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow ku amray gaadiidleyda in aysan marin waddooyinka burbursan ilaa la dayactirayo, isagoo carabka ku adkeeyay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku xad gudubta go’aankanka, isaga oo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hagaajiyo.

Tallaabadan ayaa imaaneysa kadib kormeer uu ku tagay guddoomiyaha Buundooyinka iyo Wadooyinka ay saameyeen Fatahaadihii dhawaan ku Dhuftay magaalada Beledweyne iyo isbitaalka guud ee magaalada oo biyo badan fadhiyaan.

“Doorkayanu waxa in aanu dhegaysanno baaqyada dadka ku dhaqan magaalada, waxaanan ku dedaali doonaa sidii aanu si degdeg ah u hirgelin lahayn.”ayuu yiri Guddoomiya Surufow.

Magaalada Baladweyne oo inta badan ay ka baxeen biyihii fatahaadda ayaa waxaa wali meelo badan ka muuqda raadadkii fatahaadda, waxaana goobahaas kamid Isbitaalka guud ee oo ay intiisa badan biyo fadhiyaan, isaga oo ahaa isha kaliya ee bulshadu ay ka hesho caafimaadka.

Dadkii isaga barakacay xaafadaha badankood ee magaalada ayaa wali ku sugan deegaanka Ceeljaalle, hakaad oo dowladdu dhowr jeer ay ku gaarsiisay gurmadyo kale duwan, waxaa la filayaa in dhowaan ay dib ugu soo laabtaan magaalada oo biyaha ay ka baxeen intabadan.