U bood dhigaalka

Shixnado Gargaar oo Kusii jeeda Degmada Jalalaqsi

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA, ayaa habeenimadii xalay Muqdisho ka sagootisay 30 gaadiid oo kuwa xamuulka ah oo safar dhulka ku gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, gaadiidkaan ayaa sida shixnado gaegaar kale duwan.

Hey’adda oo jawaabeyso xaaladda adag ee ka jirta degmada Jalalaqsi iyo Tuulooyinka ku xeeran ee Gobolka ayaa waxa ay duleedka magaalada Muqdisho ka ambabixisay markii labaad Gaadiid sida shixnad gargaar ah oo safar dhanka dhulka ah ku tagaya Degmadaas.


Gargaarkaan oo ah Shixnad Gargaar raashin ah ayaa dhan 30 gaadiid ah, waxaana lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha degmada Jalalaqsi iyo tuuloyinka xeeran oo nolol adag wajahaya kadib markii Fatahaad magaladaas uu ka gaystay Wabbiga.

Maalin ka hor ayeey aheed markii hay’adda SoDMA ay dooni sida shixnad gargaar ah u dirtay Deegaanada Jubbaland, waxaana sidoo kale xusid mudan in gadiid kuwaan lamid ah oo sida gargaar badan ay hay’adda todobaadkii hore ay u dirtay Mahadaay oo Shabeellaha dhexe ah.

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaadda ugu badan ka sameeyay deegaannada dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxaana wali muuqata saameynta ka dhalatay arrintaas magaalooyinka qaar sida Baldweyne, Buulo Burde oo biyuhu ceegaagaan iyo Jalalacsi oo maalmo uu ku fatahay.