U bood dhigaalka

Bucadbadeed Soomaali ah oo Aftuubtay Markab Gacansi oo Marayay Badweynta Hindiya.

Markab ganacsi oo uu ka babanayay calanka Malta, ayaa lagusoo waramayaa inay afduubteen burcad badeedda Soomaalida, sida ay sheegeen ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeedda Soomaalida, kuwaas oo ka howlgala xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas.

Haddii si rasmi ah la xaqiijiyo, wuxuu noqonayaa af-duubkii ugu horreeyay ee Markab ganacsi oo ay qabsadaan burcad-badeedda Soomaalida tan iyo sannadkii 2017-kii, markaas oo wixii ka dambeeyay ciidanka Midowga Yurub ay sheegeen in hoos loo dhigay afduubka Maraakiibta.

Xarunta hawlgalada wadajirka ah ee EUNAVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heshay digniin ku saabsan markab ay weerareen burcad-badeedda, oo lagu magacaabo Ruen, kaas oo marayay meel qiyaastii 500 mayl-badeed bari ka xiga Jasiiradda Soqodra ee Soomaaliya.

Mid kamid ah raggii horey uga mid ahaan jiray kooxaha abaabulka weerarrada lagu qaado maraakiibta” “Lix ka mid ah saaxiibadeyda burcadbadeedda ah waxaa u suurtagashay in ay qabtaan markab, waxayna keeni doonaan xeebaha gobolka bari ,” ayuu yiri Mukhtaar.


Markabka ayaa markii ugu dambeysay la arkay isagoo ku sii socday biyaha caalamiga ah, isagoo ku sii jeeday Soomaaliya, sida lagu sheegay xogta la socodka markabka ee LSEG, arrintaan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaanahaan ay hoos u dhaceen afduubka burcadda.