U bood dhigaalka

Shabaab oo Laga Saarayo Deegaanno badan oo Koonfurta Mudug ah

Ciidamada Xoogga Dalka, Darawiishta Galmudug, kuwa deegaanka ayàa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada degaanno katirsan koonfurta Gobolka Mudug, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda, waxaana ay ciidanku wadaan qorshe ay kula wareegaan deeganano hor leh.

Saraakiisha Ciidamada xoogga iyo deegaanka ayaa saaka kusoo waramaya inay kaabiga ku haayaan Deegaanka Caad oo aan sidaas kaga fogeyn magalada Camaara oo dhowaan lagala wareegay Al-shabaab, sida ay sheegayaan saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada socda.


Ciidamada huwanta ayaa maalmihii la soo dhaafay la wareegay gacan ku haynta Deegaanada Shabeeloow iyo Cimaamad oo dhammaan hoos taga Degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka mudug, kuwaas oo u dhaxeeya magaalooyinka Wisil iyo Xarardheere ee gobolka.

Howlgallada ay ciidanku wadaan ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin dhameystirka wajiga koowaad, waxaana sidoo kale dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan bariga gobolka Galgaduud iyo Bariga gobolka Hiiraan oo looga golleeyahay sidii loosoo gabagabeyn lahaa dagaalka wajigiisa 1-aad.