Guulaha Dowladda Soomaaliya ee 2023
Sanadkan sii-dhamaanaya ee 2023-ka, dowladda Soomaaliya waxaa ay gaartay guulo taariikhi ah, kuwa ka jawaabayay baahiyo degdeg ah iyo qaar himmiilooyin lagu taamayay ahaa in ka badan 30 sano. Liiska oo dheer, waxaa ugu muhiimsanaa; maareynta musiibooyinka, heshiiska doorashooyinka, horumarka amniga, kobaca dhaqaalaha iyo arrimo kale.
Qormadan waxaan isudul istaagi doonnaa 4-tii bartilmaameed ee ugu weynaa oo ay dowladdu guulo ka gaarto sanadkan 2023-ka.
(1). Maareynta Musiibooyinka: Ugu hooreyn, dhibaatooyinka isbadalka cimillada iyo labadii musiibo ee abaarta iyo fatahaadda waxaa ay dowladda Soomaaliya u maareysay si waxtar leh.
Roobab aan di’in afar xilli ayaa keenay in ilaa lix milyan oo Soomaali ah ay soo wajahdo cuntoyari, dadaallada dowladda iyo saxiibada caalamiga ah ayaa keenay in gargaar la gaarsiiyo gobollada dalka, taasoo suurtagalisay in laga hortago in dalka ay dhacdo macluul.
Dhibaatada fatahaadda El Nino oo hadda jirta waxyeellada 2 milyan ayay kor u dhaaftay, hal milyan ayaa barakacay, balse iskaashi dhan walba waxaa lagu caawiyay 184,803 qoys (1,108,818 ruux) oo u dhiganta kaliya 44% tirada guud ay xaaladda El-Nino halka 43 doon la gaarsiisay goobaha dhibaatooyinka ugu xooga ay ka dheceen sida Baardheere, Beletwayn, Jowhar, Luuq, Buurdhuubo, Buulo Burte, Jalalaqsi, Dolow, Afmadow, Kismaayo iyo Mahadaay.
(2). Dimoqoraadiyadeynta: Dowladda hortabinnada ay ku guulaysay waxaa ka mid ah heshiiskii doorashada, iyada oo madaxda madasha wadatashiga qaran ay ku heshiiyeen nooca dooraasho oo ah cod iyo qof, matalaadda iskudheelli tiran ee liiska xiran, waxaa heshiisyada la gaaray ka mid ah markii ugu horresay qeybsiga awoosdaha, iyada oo dowladda dhexe la siiyay 44 awood, Dowlad goboleedyada 28, Dowlaha hoose 32 halka 20 oo ah awoodo wadaag ah.
(3). Amniga: Sanadkan 2023-ka horumar dhan walba ah ayey dowladda Soomaaliya ka gaartay dhanka amniga, innaga oo u kala qaadi karna ilaa saddex, oo kala ah; Amniga caasimadda, ladagaalanka Shabaab iyo qaadidda cunaqabateynta hubka.
(B). Sugidda Amniga Muqdisho: Sugidda amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo in laga hortago qaraxyada, dilalka iyo falal dambiyeedyada kale sida cayaal weerada oo horay ugu muuqday quus iyo qaar tabar loo waayay ayaa hadda xal loo helay. Iyada oo bilihii ugu dambeeyay ay Muqdisho heshay neecaw amni, mid nabadeed iyo xasilooni dhan walba ah iyada oo caasimadda lagu daadiyay ciidamada “ Gungaar” oo ah nooca La police militaire kuwaas oo shaqadoodu tahay in ay sugaan amniga Muqdisho, Jaziira ilaa Balcad, taasi oo ay si fiican uga soo baxeen.
Si loo soo afjaro amni darrada, booliiska waxaa ay hadda joogaan ilaa 100 bar oo amniga laga sugayo ee ku baahsan caasimadda, waxaana muddo kooban loo taqalusay cayaal weerardii kadib markii ciidamada La police militaire saldhigyo joogta ah ka sameysteen degmooyinka ay ku dhuumanayeen cayaalkaasi, iyaga oo bilaabay in ay ku baacsadaan meelaha howdka iyo mugdiga ah, waxaa lasoo qabtay qeybo badan oo hoggaankooda ah, iyada oo sidoo kale la baabio’iyay keydooda darooga sida Xashiishta, taasi oo keentay in dadku ka ammaan helaan.
Dhanka kahortagga qaraxyada iyo dilalka qorsheysan waxaa la siiyay ahmiyad gaar ah, ciidanka amniga police militaire waxaa ay adkeeyeen baraha amniga ee kala duwan, iyada oo cabbir ahaan helay goobaha ay laga soo tuuri jiray hoobiyeyaasha kadibna ka howlgalay kahortagooda, waxaa kale oo ay degeen meelaha xasaasiga ah, iyada oo la adkeeyay suuragalnimada in wax la isu gudbiyo.
(T). Ladagaalanka Shabaab: Si caasimadda u hesho xeyndaab amni oo ballaaran, dibaddana aan looga keenin qaraxyo iyo weerarro, waxaa ay dowladdu gashay dagaal ka dhan ah Shabaab, iskaashiga ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka, oo taageero ka heysta bulshada ayaa uu horseeday in Shabaab laga qabsado in ka badan 170 deegaan oo dhaca Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Deegaannada Hirshabelle waxaa laga xusi karaa; Aadan Yabaal, Ruunirgood, Cali Gaduud, Guulane, Alkowsar, Nuur Duugle, Beergadiid, Bacda, Teedaan, Coomaad, waxaa intaas dheer jidadka oo la isku furay.
Dhanka Galmumdug waxaa ka ah meelaha ay dowladda qabssatay; Ceeldheer, Budbud, Ceelbuur, Galcad, Qaayid, Wabxo, Cadokibir, Maarsagame, Dhuumoodle, Cali-waliid iyo Xarardheere, Bacaadwyne, Camaara iyo deegaanno kale iyada ooh adda ay dagaallada kusoo uruureen deegaannada Koonfurta Mudug iyo Galgaduud.
(J). Qaadiida Cunaqabateynta Hubka: December 01, 2023, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayntii hubka ka qaaday Soomaaliya qaraarka tirsigiisu yahay 2714(2023), tallaabadan oo soo afjartay 31 sano oo ilaalo laga hayey, la diidanaa, adkeynayay ama la xadidayay hubka soo galaya dalka iyo isticmaalkiisa.
Hoswhan Madaxweyne Xasan uu uga qaadayo Soomaaliya culeyskan ka saaran in ay keensato hub ay ku difaacdo dalka iyo dadka, waa mid ka dhexguuxaeysay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, iyada oo mararka qaar la qafiifinayay sida March 6, 2013.
Cunaqabateyntan hubka ayaa kutimid, Golaha Ammaanka oo kajawaabaya dagaallada sokeeye iyo xaaladda Banii’aadnimo ee ay jirtay ayaa 23 Janaayo 1992-kii, waxaa ui Soomaaliya kusoo rogay qaraarka 733 cunaqabateynta hubka, iyada oo Dowladihii dalka ka dhismay wixii ka dambeeyay 2,000 waxaa ay raadiyeen in cunaqabataynta hubka laga qaado ama laga qafiifiyo, laakiin waxaa markii ugu horreysay cunaqabatayntaas qayb la qaaday oo la qafiifiyey 2013ki, taasi oo horseeday in geedu usocodkaasi lagu xoojinayay hey’adaha amniga ee dowladda uu haatan soo dhameystirmo, lana qaado guud ahaan cunaqabateynta iyada oo dhanka kale oo lasii adkeeyay cusboonaysiiyey cunaqabatayta saarneyd kooxda Al-shabaab ee qaraarka 2713(2023).
Qaadidda cunqabateynta hubka waxaa ay ka dhigantahay in la helo hub culus oo wax katara soocelinta amniga, ilaalinta qarannimada, Soocelinta Amniga iyo Kala dambeynta, Kor uqaadista awoodda ciidanka iyo ka qeybgalka Xasilloonida Gobolka.
(4). Dhaqalaha: Dowladda waxaa ay wax ka badan ka qabatay ladagaalanka musuqa, kordhinta dakhliga iyo hannaanka cafinta deynta.
(B). Kobaca Dhaqaalaha: Sida ay sheegtay wasaaradda maaliyadda, bilihii lasoo dhaafay dakhliga gudaha ayaa kordhay 25% taas oo sababtay in Miisaaniyadda dowladda ee 2024-ka ay gaarto Hal Bilyan oo doolar iyo kabadan, taasoo ah markii ugu horeysay ee ay heerkaas gaartay miisaniyadda Dowladda tan iyo 1991. Tusaale ahaan, miisaaniyadda dowladda waxa ay ahayd $117.4 Milyan halka ay maanta tahay, sannadka 2024-ka $1 bilyan iyo 78 Milyan oo Doollar waana koror ka badan 800%.
(T). Deyntii oo La Cafiyay: December 13, 2023, Hey’adaha hey’adaha lacagta adduunka sida Wold Bank iyo IMF.ayaa Soomaaliya ka cafiyay deyn dhan 4.5 Billion oo dollar.
Go’aan ay labadan hey’ad ku gaareen in Soomaaliya soo gaatay ama ay dhameystirka hanaanka deyn cafinta waxaa ay ka dhigantahay in waxa ku haray Soomaaliya ay noqdeen uun 550 milyan iyada oo laga keenay 5.2 Milyan oo doolar oo aheyd 95% deyntii, waxaa kale oo xusid mudan in GDP ahaan halkii tusaalw ahaan 2018 ay diintu ka ahayd 64% ay hadda noqon doonto wax kayar 6%.
Deyntan sida loo cafiyay waa IMF (US$343.2 million), International Development Association(ID) (US$448.5 million), African Development Fund (ADF) (US$131.0 million), deyn bixiyeyaal dhinacyo badan (US$573.1 million). Waxaa kale oo jiray deyn bixiyeyaal labodhinac iyo ganacsato ahaa sida Paris Club iyo Arab Coordination Group.
Hannaankan deyn cafinta waxaa soo bilaabay Madaxweyne madaxweyne Xasan Sheekh xilligiisii hore kadib heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP(Staff Monitoring Performance) iyo deyn cafiska.
Hannaanka deyn cafinta waxaa si rasmiga ah loo bilaabay 2016, waxaa ay Soomaaliya ku baastay dhammaan SMP I, SMP II, SMP III iyo SMP IV, mid kasta oo ka mid ah waxaa uu lahaa cabirro(structural benchmarks (SBs) iyo bartilmaameedyo(indicative targets) ay tahay in la gudbo. 10 sano kadib.
Deyn cafinra waxaa horseedi doontaa; Xoojinta Dib u dhiska hey’adaha Maaliyadda, qaado deyn hor leh oo lagu fuliyo mashaariic, helidda Deeqo hor le sida (IDA), helidda maalgelin caalami ah iyo arimmo kale.
(J). Kubiirista EAC: Soomaaliya ayaa loo ogolaaday ku biirista suuqa bulshada bariga Afrika ee loo yaqaanno EAC kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) isla markaana uu guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan, waxaase uu madaxweyne Xasan saxiixay December 15, 2023, waxaa ayna sidaa ku noqotay dalkii 8-aad.
Dalalka qeybta ka ah ururkan ganacsi ayaa isku furran inta u dhaxeysa Badweynta Atlantika ilaa Badweynha Hindiya kuwaas oo kala ah; DRC, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan iyo Somalia, tani oo suurogelinaysa in dalkaasi ay ku midoobaan suuq, canshuur, lacag iyo arrimo bada.
Faa’idada Dhaqaale ee Kubiirista EAC waxaa ka mid ah; In Soomaaliya ay ku biirtay ururkan EAC iyada oo wax laqeybgsan doonta suuq ilaa 300 milyan ah, koror wax soosaar, helidda silsiladda iyo tartan ganacsi, maalgeshi caalami ah, Ka faa’ideysiga Gobollada Kale sida COMESA iyo (SADC), Sameynta Go’aannada Gobolka, korarka Wadashaqeynta iyo Diblomaasiyadda waa faa’ido kale oo laga helayo kubiirista Soomaaliya ee ururkan, waxaana aad usii xoogeysana xiriirka labogeesoodka ah iyo kan dhinacyada badan, Pan-Africanism: Ka iyo arrimo kale.