U bood dhigaalka

Dowladda Shiinaha oo Hey,adda SODMA Ku Wareejisay $1,000,000

Dowladda Shiinaha ayaa maanta hey’adda u qaabisan Maareynta Musiibooyinka waxaa ay ku wareejisay lacag gaareyo 1,000,000 oo Dollar, taas oo qeyb ka ah gurmadka loo sameenayo dadka ay samaayeen xalaadaha adag ee ay sababtay El-Niño oo gobollo badan oo dalka ah siweyn u saameysay.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa qeyb ka ahaa munaasabad kooban oo ka dhacday Muqdisho oo lacagtaan lagu wareejiyay, dowladda Shiinaha ayaa deeqo kala duwan ku wareejisay hey’adda.

Lacagtaan ayaa dowladda Shiinaha waxa ay ugu talagashay in lagu daabulo Raashin ay dhawaan dalka keeni doonto si dadka tabaalaysan loo gaarsiiyo. Saka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya Mudane SaH.E Fei Shengchao ayaa deeqdaan lacagta ah ku wareejiyey Guddoomiyaha Hay’adda