U bood dhigaalka

SoDMA oo Bisha Cas ee Turkiga Kala Wareegtay Gargaarka Dadka Ku Waxyeeloobay Elnino

Hey’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa gargaarkii labaad oo mucaawino ah ku wareejisay hey’adda Maareynta musiibooyinka Qaran ee SODMA, kaas oo loogu talogalay in la gaarsiiyo goobaha ay ku dhufteen daadadka El-nino.

Gargaarkaan ayaa ka kooban qeybo kale duwan oo raashin ah, waxaana uu qeyb ka yahay baaqii dhowaan uu jeediyay madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku sheegay in 2 Milyan oo dad ah ay baahan yihiin gargaar si loo badbaadiyo.

Gargaarkan ayaa waxaa loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyed ee iskugu darsoomeen daadadka iyo fatahaadaha, kuwaas oo ku nool gobolada wadankeena hataana wajahaya xaalad adag oo dhanka nolasha ah.

Deedqaan waxaa guddoomiyaha Hay’adda maareynta Musiiboyinka qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ku wareejiyey Safiir ku xigeenka Safaaradda Dalka Turkiga iyo madaxa hay’adda bisha Cas Turkiga ee Soomaaliya.