U bood dhigaalka

Diyaarado Dagaal oo Duqeymo Ka Geystay Deegaanno Hoostaga Xarardheere

Diyaarado daagaal oo taageero siinaya ciidanka xoogga dalka ayaa duqeymo ka fuliyay deegaan lagu magacaabo Jeexjeexo oo aan ka fogeyn magaalada Caad ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidaanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Saraakiil ka tirsan xooggaa dalka ayaa sheegtay in howlgalkaaas duqeynta aah lagu burburiyay Saldhigyo aay AL-Shaabaab ku lahaayeen Koonfurta Mudug gaaar ahaan Howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad Iyo Cadaley, halkaas oo ay isku aruursanayeen xubno Al-Shabaab ah.

Howlgalkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan howlgallo ay kula wareegayaan deegaanno hor leh oo dhaca gobolka Mudug,iyadoo Koonfurta Mudug inta badan laga saaray Shabaab marka laga reebo dhow deegaan oo hoostaga magaalada Xarardheere ee Mudug.