U bood dhigaalka

Galmudug: Ciidamada Xoogga oo Howlgallo ka sameeyay Deegaanno ka tirsan Galgaduud

Ciidamada xooggaa dalka oo dhowaan la waareegay degmada Ceeldher ee Bariga gobolka Gaalgaduud ayaa bilaaaaby howlgaallo lagu xaqiijinayo amniga degmada iyo deegaannada hoostaga magaalada.

Taliyaha Guutada 24-aad Khalid Binu-Waliid ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Maxamed Dhegaweyne oo ku sugan degmada Ceeldheer ayaa la kulmay inta badan qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo ka xog-wareystay xaaladaha ay ku sugan yihiin, isaga oo u baaqay la shaqeynta ciidanka xooggan iyo kuwa deegaanka.

Taliyaha ayaa shacabka magaaladaas ka balan-qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo ka dalbaday inay ciidanka lagu garabsiiyo howlgallada kasocda Bariga gobolka Galgaduud, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay gaari doonaan dhowaan magaalooyin hor leh oo dhaca Galgaduud.

Ciidamada xoogga dalka ayaa dhowaan la wareegay magaalooyinka Ceeldheer, Galcad iyo Masagawaa,waxaana saraakiisha ciidanka ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ku gaarayaan degmooyinka Galhareeri iyo Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud.