U bood dhigaalka

Maxakamadda Sare Ee Puntland oo Ka Biyodiiday Go’aankii Kasoo Baxay Isimada SSC Khaatuma

Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka maxkamadda sare Puntland Axmed Sheikh Cumar Xassan ayaa lagu sheegay in go’aanka ay soo gaareen Isimmada SSC- Khaatumo uusan waafaqsanayn habraaca loo marayo kala kala gurista labada maamul ee PLN iyo SSC.

Guddoomiye ku xigeenku ayaa intaas sii raaciyay in maamulka Puntland uu xaq u leeyahay in xildhibaannada lagusoo xulo qaabkii horey loogu soo xuli jiray, isagoo sheegay doorashada ka dib in xal laga gaaridoono go’aanka isimmada SSC-Khaatumo ay soo saareen 17-ka mudane.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay guddoomiye ku xigeenka maxkamadda sare Puntland Axmed Sheikh Cumar Xassan ayaa kusoo aadaya xilli maalin ka hor Isimada dhaqanka SSC Khaatumo ay ku dhawaaqeen in 17-ka xildhibaan ee Puntland kasoo gala ay diideen in ay u dirsadaan.