Kulankii Dadweyne Ee Madaxweyne Xasan Sheekh: Warbixin, Weydiimo Iyo Warcelino
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay kulan dadweyne ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimo badan oo ay ka mid yihiin wixii laga qabtay amniga, dhaqaalaha, ku biirista suuqa bariga Afrika, doorashada, dhameystirka dastuurka iyo arrimo kale, isaga oo sidoo kalena ka jawaabay su’aalo badan oo dadweynuhu weydiiyeen.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo qabyo hore ugu ahaa mudo xileedkiisii hore kuwaas oo uu hadda dhameystiray isaga oo yiri, “Horumarka aan maanta sheeganeyno, oo ay ka mid tahay deyn cafinta, oo ay ka mid tahay cunaqabateynta hubka in la qaado, oo ay mid tahay kubiirista suuqa East Africa, horey ayaan u soo bilownay.”
Dhanka Amniga, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee AMISOM ay ka qaateen nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna muujiyey sida uu uga faraxsan yahay in Ciidamada Soomaaliyeed ay soo gaareen marxalad ay ku hantaan sugidda amniga Madaxda, Hay’adaha dowladda iyo hoggaanka dalka.
Mar uu ka hadlay bixintaan AMISOM ee Villa Somalia, waxaa uu ka dhahay, “Laga soo blaabo 2,000 ee Carta berrigii Jamhuuriyadda 3-aad lagu soo aasaasay ilaa iyo hadda, farxad ayay ii tahay, karaamo iyo waxaan dareemayaa iyo weynaan in madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay mudddaasi, oo ciidan Ajnabi aanu ilaalineyn, oo wiilal Soomaaliyeed bes ay ilalainayaan, nasiib gaar ah oo Ilaahay iisiiyay, Ilaahayna aan uga mahadcelilanyo, waxaan dareemayaa ammaan buuxa”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ka jawaabay su’aalo qaar oo ka yimid dadweynaha, “Bisha Tobonkeedii ilaa hadda waxaa socda howlgallo joogta ah, muddadaas ilaa hadda waxaa lagu guuleystay xorreynta deegaanno badan. Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay u wada taagan yihiin xoreynta dalka. Qabaa’il badan ayaa wadayeeshay iskaashi ay ku cirab-tirayaan argagixisada.”
Marka waxa laga weydiiyay degmooyinka sida xorreynta Ceeldheer, Galhareeri oo la sheegay inuu kasoo jeedo yaa sheegay in uu kasoo jeedo Jalalaqsi, waxaa uuse sheegay in Ceeldheer iyo Galhareeri ay yihiin degmooyin taariikhi ah, oo u baahnaa xorreyn, isaga oo intaa raaciyay in aanu raalli ka ahayn in Shabaab ay sii joogaan hal degmo oo Soomaali ah.
Arrimaha Xasiilinta gaar ahaan Xasillinta su’aal la weydiiyay waxaa uu uga warceliyay in ay yartahay magaalo la xoreeyay, oo laga soo noqday, hadda ciidamada amniga oo gaar ah u xilsaaran yihiin Xasillinta iyo sugidda amniga, isaga oo ballanqaaday in la sameyn doono ciidamo qaabilsan Xasillinta.
Sababta ay u khafiiftay howlgallada marka uu madaxweynaha kasoo noqday furimaha waxaa uu sheegay in halganka uu socdo, isaga oo xusay inuu ku noqon doono furimaha.
Su’aal kale oo ahayd ciidamada mushaarkooda aan 1% lagu darin halka Baarlamaanka uu 43% waxaa uu uga jawaabay in run tahay in Baarlamaanka gunno kordhin ay codsadeen, taasina ay ku timid duruufo heysto, isaga oo intaa raaciyay in la tixgeliyay duruufaha gaarka ah ee ay heysta, iyada oo ay hadaf tahay kordhinta mushaarka ciidanka.
Jidadka la xirayo waxaa uu ka dhahay in la dagaalanka Shabaab in 700 ilaa 800 oo KM oo xor ah in ay jiraan, oo jidgooyo aaney jirin, waxaa uuna ballanqaaday in dhegxaanta la qaadi doono.
Deyn Cafinta Soomaaliya: Deyn cafinta iyo kobaca dhaqaalaha;Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay natiijada laga filanayo deynta laga cafiyey dalkeenna, waxa uuna xusay in sannadkan 2023 uu kobcay dhaqaalaha 14%, qorshahana yahay in la gaarsiiyo 22%, taas oo ay barbar socota yareynta faqriga iyo saboolnimada oo la yareeyey lana gaarsiiyey 54%, halka uu horey u ahaa 69%.
Waxbarashada waxaa uu sheegay in kor loo qaaday oo 3,000 oo Macallin la qoray, oo 3,000 oo kale oo Macallim oo la shaqaaleyn doono 2024, caafimaadka iyo bedqabka qofka, amniga aiyo arrimo badan ayuu ka hadlay.
“Horumarka dal waa in uu leeyahay hiigsi fog. Sida aan u sheegnay, sannadkan iyo sanadka xiga ugama gudbi karno caqabadaha jira, waana sababta aan u keennay hiigsiga 2060. Soddon iyo Todoba sano oo hadda kaddib ah, Soomaaliya side u ekaanaysaa in aan maanta gaarno go’aankeeda.” Ciribtirka faqriga waa in aan fogaan arag u yeelanno, aragtidada ayaa qeyb ka ah.
Dakhliga dalka iyo kor u qaadista, waxaa uu sheegay in 2012-kii laga soo bilaabay iyada oo furdada keliya laga qaado, maanta casnhuurada dhulka ay badan yihiin, laakin u baahan in ilaha la badiyo, dowladdana ay kordhin doonto, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku baraarijiyay in canshuurta la bixiyay.
Caafimaadka su’aal la xiriirta waxaa uu sheegay in dunida ka tahay wax weyn, laakin miisaaniyadda Soomaaliya ay tahay wax kayar lacagta ku baxday Wasaaradda Waxbarashada ee Kenya, oo dhibkaas uu sii jiri doono.
Marka uu ka jawaabayay Canshuurta, waxaa uu sheegay in lacag laga rabo lacag gacan ka baxday, oo mid kale gashay, taasi oo ah baa’binta faqriga. Waxaa uu ku celiyay in canshuurta la bixiyo, dadka dowladda u shaqeeyana ay iska ilaaliyaa.
Ka faa’ideysiga kubiirista Bulshada Bariga Afrika waxaa su’aal laga weydiiyay waxaa uu sheegay in bar, beer, dad iyo wax walba looga faa’ideysan doono , oo xuduudaha iyo arrimo badan laga midoobay, oo wax bandanna ay dhiman yihiin. “Dalkeenna wax soo saar ayuu u baahanayaa, suuq ayaan u baahanahay, Soomaaliya waxaa ay noqon kartaa goob isku xirta Afrika iyo Asia”.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in dalkan uu dabranaa, laakin hadda la dhaqaaqi doono, isaga oo xusay in Bariga Afrika uu hadaf yahay, oo ay tahay in loo noolaado dunida sida ay u nooshay, amni, dhaqaale iyo diblomaasiyad lagu sugnaado.
Su’aal la xiriirta ma jirtaa mushkilad xirfadaha, waxaa uu sheegay Madaxweyne Xasan in ay tahay maskaxda la badalo, oo la aamino qofka Soomaaliga, oo halabuurka iyo xirfadaha lagu filan yahay, waxaa uu soojeediyay in maalgeshiga Soomaalida iyo ajnabiga labadaba loo baahanyahay in ay dalka soo galaan. Beeraha ayuu sheegay in la tacbi waayay, sababo la xiriirta amniga iyo casnhuurta Shabaab, oo maalinta la tacab la doono la canshuurayo.
Dhameystirka Dastuurka: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu dul istaagay dhameystirka dastuurka isaga oo sheegay in aan cidna la afduubeyn, oo cid walba ay ka qeybgali doonto, “Qabyo tirka Dastuurku dib u dhacyo badan ayuu lasoo kulmay, waxaana isku soo dhiibay Baarlamaano kala duwan oo uu waqtigu ka dhammaaday iyaga oo ka shaqeynaya. Waxaa naga go’an in uusan muddoo xileedkan nala dhaafin, dhammeystirkiisana waxaa asal u ah rabitaanka ummadda Soomaaliyeed. Qaabka aan anigu jeclahay waxaa ka muhiimsan rabitaanka inta badan bulshada Soomaaliyeed.”
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu qeexay in Baarlamaanka 9-aad, 10-aad aysan ku guulaysan, In Shaa Allahu uu dhameystiri doono Baarlamaanka 11-aad.
.
.”.