U bood dhigaalka

Akhrisl War-Murtiyeed: Qodobbo muhiim ah oo Kasoo Baxay Wadahadalladii Djibouti ee Soomaaliya iyo Somaliland

Magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa kusoo idlaaday wadahadalkii u dhaxeeyay madaxda dowladda federalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo socday 28-kii bisha iyo 29-kii, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 8-deed qodob, oo ku qotoma wixii laga hadlay.

Labada dhinac ayaa ku ballamay in dib loo amboqaado wadahadalladii u dhaxeeyay dhinacyada sidoo kale la fuliyo heshiisyadii hore loo gaaray sanadihii 2012-2016, xilligaas uu madaxweyne ahaa mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo sidoo kale la sheegay in lasoo magacaabo guddiyo ka sheyn doona.


Heshiiska ay gaareen Soomaaliya iyo Somaliland ayaa nuxurka ugu weyn ee laga dheehan karo uu yahay in lagu ballamay in dib loo amboqaado wadahadalladii u dhaxeeyay dhinacyada, waxaana garwadeen ka ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo gogosha u dhidiyay labada dhinac.May be an image of text