U bood dhigaalka

QALINKUBA HIIL BUU GALAA

Hordhac

“Waan dhogor qaboobayn intaan,dhowr wadaad kicine”

Abwaan Cabdi Maxamuud Xasan

Sanad kasta oo curta waxaa lagu soo dhoweyaa Heesta “Sanadka Cusub’’ ee uu ku luuqeeyo AUN Tubeec, waxana dib loo falanqeeyaa sanadkii tegay, wixii dhib iyo dheef ah ee uu watay, waxaa la oran karaa in sanadka 2023-ka uu bulshada soomaaliyeed u ahaa sanad Dahabi ah, waxaa lagu guuleystay dhowr arrimood oo kala ah;

(1)Ku-biirista Urur-goboleedka Bariga Africa(EAC).

(2)-Ka-qaadista Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya.

(3) Deyn Cafinta oo ahayd culays weyn oo soomaaliya muddo ragaadiyey.

Heesta “Sanadka Susub’’

Farxadda iyo damaashaadka sanadka cusub waxa lagu soo dhoweeyaa hees, ciyaaro, kulamo, badhigyo dhaqan, kuwo faneed oo oo kala duwan.Inta badan dadku waxa ay muujiyaan farxadda iyo raynraynta sanadka cusub.

Waan heesayaaye

Sanad waliba hoodiyo

Hawl iyo dhibaatiyo

wuxuu hadimo leeyahay.

Waa laga helaayoo

Hadhow lagu xasuustaa.

Kii noo hagaagee

noqo loo han weyn yahay.

Qaar kaa horreeyoo

Hodanaa na dhaafee.

Halkii loogu mahad naqay

Ka habaabi maysidee.

Sanadkii tegey ee 2023-kii  waxa uu ahaa sanadkii dib-u-xoraynta iyo halganka dadweynaha. waxana kooxda argagixisada Al-Shabaab laga saaray magaalooyin istaraajiiti ah, oo ay gumeysanayeen sanadooyin fara badan, waxa ay deegaamadaas ka sameeyeen waxkasta oo foolxun, waxa ay burburiyeen dhaqankii soo jireenka ahaa  oo ay laheyd bulshada soomaaliyeed, waxa ayna bulshada u yagleeleen  Nabadoono iyo dhaqan cusub.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa meelkasta gaartay farriintii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ayna bulshadii soomaaliyeed iska dhiciyeen Nabadiidka Al-Shabaab, iyagoo is xilqaamaya,ayna garab taagan tahay Dowlada Soomaaliya, markii aad dib u milicsato guulaha la gaaray iyo dadkii qiimaha badnaa ee ku shahiiday dagaalkii lala galay khawaarijta waxaa igu soo dhacda oraahdii Laashin Cabdulaahi Raage oo aheyd: “SIDEEDABA GOBONIMADA WAA GEED KU BAXA DHIIGGA GEESIYADA”.

Doorka Abwaanada iyo Bahada Suugaabta.

Dagaalkii lala galay  kooxda Al-Shabaab waxaa door weyn ka ciyaaray abwaanada  soomaaliyeed oo u jiheynayay bulshada Soomaaliyeed  qaybaheeda kala duwan in ay iska dhiciyaan gumeysiga muddada badan haystey dhulkooda hooyo, abwaanadii doorka fiican ka ciyaaray waxaa ka mid ah: Maxamuud Cali Adam(Hoorri) oo sameyay labo hees oo muhiim u ah kacdoonka looga soo horjeedo kooxda UGUS .

Heesta Gurmad;

Heestani waxa ay diiradda saaraysaa in layska dhiciyo cadowga sida foosha xun ummadda u gumaaday oo weliba dooriyey hiddahooda iyo dhaqankooda suubban. Heesta (GURMAD) ayaa waxa ay leedahay sidatan

Gumeysigan mar kale yimi

Gacalkeena dhalan-rogey

Dhallaankeenna gaasiray

Gurigooda ugu galay

Googooyey hilibkood

Isagoo gafuudh xidhan

Ma garbaa dadweynow ?

Goodkiyo abeesadan

Ganbooleyda dumarkana

Shalmaddeeda gaarka ah

Guudkeeda kala degey

Kufsadoo haddana  gubey

Isagoo gafuudh xidhan 

Meeyey geesigeedii ? 

            *  **

Gurmadoo mar wada kaca

Garabkaaga Qori saar

Gamaskiyo warmaha keen

Geyshkeena dhinac joog

Gabbalkii guduutaba

Sida galowga dhiiloo

Garanwaaga halistiyo

Ugu maanta dabar goy.

Ninka Diinta garabmaray

Garcaddaaga  gabawarey

Geedkiyo gartaba  jaray

Gaalleefta mariyoo

Gaadmada ku gowracay

Isagoo gafuudh  xidhan !

Aaway gureygi uu dhalay?

Gafanahakan nagu baxay

Geyigeenna hodonka ah

Guunyada ka ciribtiray

Galab qura dab wadasuray

Dibbiroo iskala guray

Isagoo gafuudh xidhan 

Guluf miyaan la qaadayn?

       *  **

Gurmadoo mar wada kaca

Garabkaaga Qori saar

Gamaskiyo warmaha keen

Geyshkeena dhic joog

Gabbalkii guduutaba

Garanwaaga halistiyo

Ugu maanta dabar goy.

Mar kale, ayuu curiyey heesta la dheho( BILLAD GEESI). Heestani, waxa ay guubaabo iyo garab u tahay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeel.  Sidoo kale, waxa ay muujinaysaa kaalinta  iyo foolaadnimada  uu ka muujiyey halgganka iyo xoraynta dalka lagaga safaynayo Khawaariijta   arxanka daran (UGUS) ee ragaadisey  horumarka dhaqaale iyo siyaasadeeeba.

 Mar kale, heestu waxa ay  tilaameysaa kaalinta wasaaradda Gaashaandhiiga, cududda  xiidanka xoogga dalka sida, Danab, Gorgor,Waran iyo Hay’adda  Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA)  oo xoraynta Dalka ka qaadatay kaalin mug iyo miisaan leh.

Gadoodney oo[ gadoodney]

Waa inaan gubnnaa

Geesi dhiirranoow

Midka geed ku jira

Guuraha  habeen

Iyo galab-carrow

Galayradu arkaan

Garanwaaga iyo

Gafuur duubatada

Geyigeenna timid.

     *    *   **

Waa inaan gubnnaa

Godka ugu gallaa

NISA garabasannaa

Gaashaandhigiyo

Geyshkeena Danab

Gorgor soo qabtaa

Waran gamaska iyo

Gumuc kaga baxshaa.

Gilgilanney oo [gilgilanney ]

Waa inaan gubnnaa

Geesi dhiirranoow

Hubka soo gurnnaa

Isu garab sannaa

Ku gardaaddinnaa

Gafuurraxunta iyo

Garangoorridiyo

Gafanahakan hoog

Wada gowracnnaa.

  *    *   **

Waa inaan gubnnaa

Godka ugu gallaa

NISA garabasannaa

Gaashaandhigiyo

Geyshkeena Danab

Gorgor soo qabtaa

Waran gamaska iyo

Gumuc kaga baxshaa.

In kastoo ay abwaanada soomaaliyeed  qaar dadaaleyn; haddana waxaa muuqata  in ay aad u gaabiyeen bahda wasaarada Warfaafinta iyo Tiyaatarka Qaranka, filashadii laga  sugayey _ iyagoo la rabay iney qabtaan shaqo intaa ka badan, ayna bulshada soomaaliyeed u sameyaan ruwaayado  (masraxiyad) wacyigalin ah oo ku qotoma aqoon, suugaan, farshaxan afeed, bedqab feker, ilaalin isir, hayb diimeed, summad ummadeed, hidde soo jireen ah, dhaqan suubban  iyo sooyaal soomaaliyeed.

Maxaa laga gaabiyey oo mudan in la qabto sanadka 2024?

La xarbiga garaadkaa

Naf la jaro ka xeeldheer.

Abwaan,Axmed Siciid Diiriye (Af-gudhiye)

Waxa aa shaki ku jirin  in kooxda Al-Shabaab looga adkaaday dagaalka meydaaniga (tooska ah) ah balse uu dhiman yahay in looga adkaado dagaalka macnawiga ah (fikirka), taas oo ah in Al-Shabaab laga dilo in ay isticmaasho kaararka diiniga ah, taas oo ay kusoo jiitaan qeyb ka mid ah bulshada, ayna ka raadiyaan Sumcad.

(1)          Dugsi Qur’aanada & Tira-koobkooda.

Waxaa la marayaa doorkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, lagana rabo in ay diiwaangaliso dhammaan dugsi qur’aanada, macalimiinta wax u dhiga ardayda la hubiyo aqoonta ay diinta u leyihiin iyo firqooyinka ay ka tirsan yihiin, waa in uusan macalin noqon Karin qof aan wasaaradda ka wadan aqoonsi iyo shahaado, Inta uu socday dagaalka ka dhanka ah argagixisada lama arkin kaalinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

(2) Maraakista lagu barto diinta Islaamka & culuunta shareecada

Waxaa magaalada Muqdisho iyo banaankeeda ka furan maraakis lagu barto diinta islaamka,ayna ku jiraan arday gaareysa kumanaan, maraakista qaarkood waxa ay bixiyaan jiif iyo cunto lacag la’aan ah, waxaa wasaaradda looga baahan yahay in ay diiwaan galiso maraakistaas, ayna tira koobto ardayda dhigata da’dooda, sidoo kale waxaa laga maarmaan ah in la hubiyo manhajka ardayda loo dhigo iyo cida dacmiga iyo taageerada dhaqaale siisa.

(3) Mideynta Khudbadaha ka baxa  Masaajiddada Dalka.

Dalku waxa uu ku jiraa marxalad xasaasi ah, waxaa si cad looga guuleystay kooxaha argagixisada Al-Shabaab, waa in ay wasaaradda diinta iyo Awqaaftu ka shaqeysaa wacyigalinta bulshada, ayna sameysaa khudbado mideysan oo loo akhriyo bulshada Maalinta Jimcaha, sidoo kale, waxaa muhiin ah in la diiwaan-galiyo tirada masaajidda iyo Imaamyada ku qoran si loo ogaado masjidkasta firqada uu ka tirsan yahay (Jamaacadaha dalka ka jira)

(4) Ardayda jaamacadaha dalka wax ka dhigata & jihayntooda

Waa in waajib looga dhigaa arday kasta oo maraya sanadka u dambeeya inuu ka qeybqaato olalaha wacyigalinta loo sameynayo tuulooyinka iyo magaalooyinka laga qabsaday Al-Shabaab, sidoo kale wacyigalintaas waa in ay ka qeyb qaataan Culimada soomaaliyeed oo ay tagaan fagaaraha deegnada laga xureeyay Argagixisada.

(5) Doodaha  Dastuurka & weydiimaha ku gadaaman

Waxaa ay Wasaaradda Caddaalada iyo Dastuurka ka gaabisay in bulshada soomaaliyeed u sharraxdo Dastuurka iyo Hanaanka Garsoorka Dalka, waxa aan wada ognahay in bulshada qeybo ka mid ah aysan ku kalsooneen Garsoorka Dalka ayna Caddaalad u doontaan Kooxaha Argagixisada, waxa ay aheyd in la qabto kulamo dadkana lagu qanciyo hanaanka garsoorka dalka.

Sidoo kale, waxaa shaki ku jirin in dastuurka dalka laga aaminsan yahay fikrado qaldan, ayna faafiyeen Kooxaha Argagixisada, waxa ay aheyd in Wasaaradda ay qabato dood-cilmiyeedyo lagu taageerayo dastuurka, lana dhageysto dhaliilaha ay qabaan bulshda, balse wasaaraddii ku shaqada laheyd waxa ay ka gaabisay shaqooyinkii muhiimka ahaa.

Geba-gabo & Gunaanad

Sanadkii lasoo dhaafay waxa uu ahaa sanadkii dib-u-xoraynta, waxaa rajeyneynaa in sanadka 2024-ku  uu noqdo sanadkii Ciribtirka Kooxaha Argagixisada, sidoo kale, waxaa waajib muqaddas ah in qof kasta uu garab istaago Ciidamada Xoogga Dalka, uuna Argagixisada kula dagaalamo Af iyo Addin.

Haddii, aan la qaadin qodobada aan kor kusoo sheegay guusha la gaaray macno ma sameyn doonto, waxa ayna Al-Shabaab siin doontaa in ay isa soo diyaariyaan balse haddii talaabooyinkaa la qaado waxa ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab looga adkaaday dhinac kasta oo dagaalka ka mid ah.

Waxaa muuqata in ay doorkooda ka gaabiyeen wasaaradaha kala ah; Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasaaradda Caddaalada iyo Dastuurka, balse wali waxa ay haystaan fursado dahabi ah oo ay wax ku qaban karaan, dagaalka Argagixisada lagula jiro ma aha kaliya dagaal toos ah balse waa dagaal dhinacyo badan leh, oo ay muhiim tahay in looga adkaado.

Qormadan, kooban waxa aan ku soo afmeerayaa weydiimahan soo socda, waxana mudan inaad  is weydiiso  adoo u raadinayaa warcelin buuxda si loo helo jawaab kaafin karta qof kasta oo weydiintan qaba.

Maxaa lay qarxinayaa?

Qudha layga jarayaa?

Qumac iyo rasaastana

Dhakhtar iigu qorayaa?

Horta qaladka yaa galay?

Dhibbanaha la qalayaa

Qoolkee ku xiranyahay ?

Yaa qardhaasta noo xidhay?

Walhaannadu qoraayaan

Shacabyohow la quursaday

Qarqarada dushaadaan

Ka arkaa qabuuraha

Haddaadan isdaba-qaban!.

Mahadsanidiin

W/Q:Maxamed Axmed Jiinte