U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Midowga Yurub Uga Mahadceliyay Mowqifkooda Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell ayaa uga mahadceliyey mowqifka adag ee Midoowga Yurub ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Ururrada heer gobol iyo heer qaaradeed ay ku adkeynayaan xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka, kadib xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland ay Itoobiya ugu sixiixday Badda dekadda magaalada Seylac 20Km oo kamid ah dhanka badda marka la eego.

Soomaaliya ayaa waddo dadaallo loogu soo jeedinayo indhaha caalamka damaca ay Itoobiya ku doonayso xiisad ka dilaacda gobolka, waxaana xusid mudan in Mareykanka Midowga Yurub, midowga Afrika, urur-goboleedka IGAD iyo Jaamacadda Carab ay siweyn u garab istaageen dowladda Soomaaliya iyaga oo ku baaqay ilaalin madaxbannaanideeda.