U bood dhigaalka

Dibadbax Weyn oo ka Dhan Ah Itoobiya oo Khamiista Ka Dhici doona Muqdisho iyo Gobollada Dalka

Ururada bulshada, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed ayaa Khamista (١١-ka Janaayp 2024) ku dhawaaqay banaanbaxyo ballaaran oo ka dhaca Muqdisho iyo guud ahaan gobollada Soomaaliya kuwaas oo looga soo horjeedo heshiis beenaadka Itoobiya iyo Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtey baaq ay soo jeediyeen Ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee shacabka, kuwaas oo dalbanayey in maalinta Khamiista magaalada Muqdisho lagu qabto banaanbaxyo looga soo horjeedo heshiiska sharcidarrada ah ee Ethiopia ay la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaalia ee arrimaha badda laga gaaray.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’iid ku qabtey xafiiskiisa ayaa sheegay in dowladda ay ayideyso baaqaasi, isla markaana ay shacabka ku taageeri doonto in si habsami leh u qabsadaan banaanbaxyada ay iclaamiyeen inuu dhacayo dibadbaxa looga soo horjeedo heshiiska Itoobiya iyo Somaliland isku afgarteen.

“Waxaan rabaa inaan soo dhoweeyo shacabka magaalada Muqdisho oo go’aansaday maalinta Khamiista ah in la isku soo baxo jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho, shaqooyinkoo dhan in la joojiyo Bussines-ka oo dhan in la joojiyo la iskuna soo baxo dhammaan hey’adaha dowladda iyo shacabka banaanbaxo” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha federalka.

Hadalka kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda federalka Soomaaliya ay aqbashay soo jeedinta bulshada rayidka oo ku hadlayay afka shacabka oo dalbaday in la isku soo boxyo maalinta khamiista ah oo la dhigo dibadbaxyo waaweyn gudaha caasimadda oo lagu diidan yahay heshiiska isfagarad ee Itoobiya iyo Somaliland.