U bood dhigaalka

8 Qof oo Ku Dhimayay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Laascaanood

Warar kale duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo saakay ka dhacay duleedka bari ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kadib markii labada ciidan ay ku wada dagaalameen halkaas, waxaana ka dhashay khasaare kale duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo kala gaaray ciidanka islaayay.

Muranka dagaalka ayaa ka dhashay gaari ciidan oo Somaliland lagaga qabsaday dagaalkii Gooja-cadde, waxaana taas ay keentay in gaariga oo ahaa nuuca Suugga loo yaqaano, dhinacyada ayaa isku ridayay hubka nuucyadiisa kale duwan, waxaana koobnaa khasaaraha soo gaaray dadka kuwooda shacabka ah

Faafaahinnada la helayo ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 ruux ay ku geeriyooday in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa magaalada Laascaanood iyo Gambadhe ee bariga magaalada, waxaana uu u dhexeeyay ciidamo gurmad ugu yimid SSC Khaatumo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ka dhacay nawaaxiga Maraaga kadib markii ciidamo ka soo baxay Guumays oo watay gaariga Somaliland laga furtay ay jid-gooyo u dhigteen ciidamo kale taasi oo isku dhaca sababtay, waxaana ka dhashay khasaare xooggan, wallow lagu guuleystay in la hakiyo dagaalka.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ku wada sugan ciidamo kale duwan oo ka kala yimid Puntland iyo deegaannada kale SSC Khaatuma, kuwaas oo wali difaac ugu jira ciidanka Somaliland, majiro wax war ah oo kasoo baxay Isimada dhaqanka iyo maamulka sare ee Khaatumo oo ku aadan dagaalka saakay dhacay.