U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Taliska Xoogga Amray u Diyaargarow Howlgallo Ka Dhan Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa kulamo ku saabsan xoojinta amniga iyo xoreynta dalka kula qaatay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hogaanka Ciidanka Dıfaaca Dadweynaha ee Macawisleey.


Madaxweynaha ayaa Warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada oo guullo waxtar leh ka soo hooyay howlgalada dalka looga saarayo Al-shabaab, xilli howlgallo ballaaran ay ka socdaan gobollada dalka.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh ayaa sidoo kale, la kulmay u Qaabilsanaha Arrimaha Ciidanka Dıfaaca Dadweynaha ee Macawisleey Mudane Cali Jeyte, waxaa uuna kala hadlay sidii loo mideyn lahaa howlgalada Ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidamada Difaaca Dadweynaha, si loo dardargelin dagaalka dalka looga ciribtirayo Al shabaab.


Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya xaqiijinta ahmiyadda loo mideeyay Ciidamada Difaaca Dadweynaha iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku bogaadiyey U qaabilsanaha ka miro-dhalinta ujeedkii dowladda Federaalka ee ahaa in la gaaro hadaf mid ah si looga adkaado AL shabaab waxaana u uku booriyay in dadaallada ay sii labalaabaan.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey hoggaanka Talisk Ciidanka Xoogga Dalka iyo u qaabilsanaha Macaawisleeyda in ay xoojiyaan daddaallada naf hurnimada leh ee ay ku beegsanayaan cadowga kasoo horjeeda, waxaana la filayaa in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay qaadaan howgallo ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.