U bood dhigaalka

Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Ka Yiri Safarkiisa Asmara, Kadib Wareysi uu Siiyay Warbaahinta Erateriya?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyey Warbaahinta Dalka Ereteriya ayaa wax uu kaga hadlay xaaladda guud ee gobolka, xiriirka Soomaaliya Ereteriya iyo arrimo kale, xilli Soomaaliya ay wajahayso xiisad kaga furan dhanka Itoobiya.


Madaxweynaha ayaa wareysigiisa aad uga hadlay xiriirka labada dal, iyadoo xilligaan dowladda ay ku jirto dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo guulo laga gaaray, Erateriya ayaa iskaashi amni iyo tabaris ciidan kula jirta dowladda Soomaaliya, madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dowladda iyoi shacabka Erateriya.


“Waxaan halkan u imid in aan mudane Madaxweyne Mudane Isaias Afawerqi Madaxweynaha Ereteriya ka wada xaajoon doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadda dal iyo sidii xaaladda Soomaaliya,gaar ahaan dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii loo xoojin lahaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.


Madaxweyne Xasan sheekh ayaa dhinaca kale xusay in Ereteriya weligeed la jirtay Soomaaliya garab istaagna siisay marar badan maantana ay ka go’an tahay ilaalinta xuduudaha lama taabtaanka ah ee Soomaaliya,isagoo uga Mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Ereteriya garab istaaga ay muujiyeen.


Hadalka kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya xilli la filayo inuu safar ugu ambabaxo dalka Masar oo uu casuumaad ka helay hoggaamiya dalkaasi, waxaana ay ka wadahadli doona xaaladda kasoo korortay gobolka, Masar ayaa siweyn uga hortimid tallaabada Itoobiya ee damaca Badda.