Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa oo khadka telefanka ku wada hadlay ayaa xoogga saaray xaaladda gobolka iyo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la weadaagay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda siduu hore ugu dhowaaqay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xiriirro kale duwan la sameeyay madaxda caalamka tan iyo markii ay soo baxday damaca dowladda Itoobiya eek u aadan Badda Soomaaliya, waxaana marba marka xigta soo baxayay dowladaha taageerada u muujinayay Soomaliyae e cadeeyay mowqifkooda ar ka qabaan.




From the comments