Goobjoog

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo…

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Kulanka oo diiradda lagu saaray xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa labada Madaxweyne ay si gaar ah uga wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta wada-shaqeynta labada dowladood, si loo xaqiijiyo danaha iyo himilooyinka wadajirka ah ee labada shacab.

Kulankan ayaa muujinaya sii socoshada xiriirka iyo wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments