Antalya, Turkiga – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga ka daahfuray Qorshaha Maalgashiga Qaranka ee Hindisaha Saddexaad ee Wax-ka-qabashada Isbeddelka Cimilada.
Qorshahan oo uu Madaxweynaha kala qaybgalay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka kooban toddobo tiir, 27 barnaamij iyo 44 hindise maalgashi ah, iyadoo kharashka lagu fulinayo tobanka sano ee soo socda lagu qiyaasay 12.8 bilyan oo doollar.
Maalgelintan ayaa lagu horumarinayaa qaybaha muhiimka ah ee dalka, sida beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, biyaha, tamarta, caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka.




From the comments