U bood dhigaalka

Hiiraan: In ka badan 250 oo Shuban Biyood Saameeyey

Sheeko:Caafimaadka

Magaalada Baladweyne iyo deegaannada kale ee gobolka Hiiraan ayaa lasoo warinayaa inuu faro ba’an uu ku hayo xanuunka Shuban-biyoodka, kaas oo soo ritay tiro dad ah, waxaana la diiwaangeliyay geerida in kale, sida laga soo wariyay xarumaha caafimaadka ee magaalooyinka Badaweyne iyo degmada Jalalaqsi.

Xanuunkan oo ka dilaacay biyo-baxadii fatahaaddii roobabka ayaa waxa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in la dhigay xarumaha caafimaadka in ka badan 250 ruux, kuwaas oo lagu daryeelayo xarun ay hirgelisay hey’adda Save the Children, waxaana sidoo kale la warinayaa geerida afar ruux oo u dhintay xanuunka.


Isbitaalka Baladweyne oo ahaa isha caafimaad ee bulshada magalaada ayaa waxa ku socda dayactir lagu soo celinayo bilicdiisa, kadib markii bishop badan ay galeen xilligii ay dadadka ku rogmadeen Baladweyne waxaana hadda dadka uusoo ritay xanuunka lagu dabiibayaa goobo duleedka ka ah, oo laga hirgeliyay.

Xanuunka ayaa sidoo kale waxa laga dareemayaa deegaanka Ceel Jaalle, halkaasoo ay ku barokaceen inta badan dadkii deganaa magaalada, waxaana laga hirgeliyay goob caafimaad oo dadka lagu dabiibo, cabsi weyn ayaa xilligaan ka taagan maadaama xanuunka uu soo ritay dad badan kuwa kalena ay u dhinteen.

Magaalada Baladweyne ayaa kamid magaalooyinka sida weyn uu ugu fatahay Wabiga Shabeelle, halkaas oo biyo badan uu dhigay, waxaana sidoo kale taagan cabsi laga qabo magaalooyinka kale sida Buulo Burde iyo Jalalaqsi oo wali laga dareemayo saameynta fatahaaddii ka dhalatay roobkii El-Nino oo da’ay.