U bood dhigaalka

Madaxweyn Xasan Sheekh: Itoobiya Hal Tallaabo oo Ficil ah Haddii ay Dhulkeenna ay u soo Qaadaan Laba iyo Afar Tallaabo Ayaan Qaadeynaa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii hadlay Khudbada kadib ayaa siweyn u dul istaagay xaaladda gobolka kasoo cusboonaatay iyo xiisadda u dhexeysa Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo madaxda Itoobiya u diray digniino ku aadan xaaladda jirta.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ku baraarugaan cadaawadda Itoobiya, waxaana uu carabka ku adkeeyay, haddii ay soo qaado tallaabo milatari in dhankooda ay qaadi doonaan tallaabooyin la mid, isaga oo ku celiyay inaan taako dhulka ah aan lagala gorgortami Karin Itoobiya.

“Hal Tallaabo oo ficil ah oo dhulkeena ay u soo qaadaan laba, sedex iyo afar tallaabo ayaan qaadeynaa, iyaguna yeysan ku kadsoomin oo barri nama eedi karaan, caalamkuna nama eedi karaan, weli in ay ka waantowdaan qabnaa, wareey joogtaa ficil yaaney ku darin” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo hadlayay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sidoo kale in Soomaaliya markii hore ay laheyd hal cadow u uu ku sheegay Al-shabaab, laakiin hadda ay yeelanayso laba cadow, waxaana uu tilmamay in dowladdu diyaar u tahay in ay iska celiso sida uu hadalka u dhigay, isagoo ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed isku duubnaadaan.


“Cadow waa hal, waana Shabaab, maanta waa labo, waan awoodnaa shacab iyo umad jirto ayaan nahay, Shabaabkana waa iska celinaynaa, duulimaadka dibadda ka yimaadana waa iskacelinaynaa, intaba waa isaga filan nahay, ninkii qabo inaan isaga filneyn ka kac waad hurudaaye” ayuu siiraaciyay hadalkiisa.

Hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda dhanka badda ee u dhaxeysa dalkeenna iyo Itoobiya aya circa isku shareertay, waxaana la filayaa in urur-goboleedka IGAD 18 bisha ay shir ka yeeshaan xaaladda kasoo korortay gobolka oo laga cabsiqabo in ay isku badashao dagaal qarxa.