U bood dhigaalka

Maxaa kasoo Baxay Kulankii Guddoomiye Madaale Laqaagay Kooxda Kubadda Cagta ee Koonfur Galbeed?

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaarada Dhalanyaradda iyo Cayaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Salmaan Shuceyb Cali, Maamulka, Macalimiinta iyo Cayaartoyda Xulka Koonfur Galbeed oo shalay dhibaato kala kulmay dhalinyaro dhagxaan ku weeraray.

Duqa Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatada soo gaartay qaar ka mid ah Cayaartoyda Xulka Koonfur Galbeed, taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid ka baxsan Anshaxa Cayaaraha, isaga oo xusay in wixii hadda ka danbeeya aan la aqbali doonin in uu dhaco fal nuucaan oo kale ah, laamaha amniga ay u diyaarsan yihiin sugida Amniga Cayaartoyda iyo muwaadiniinta ka qeybgalaya Cayaaraha.

Warar hoose oo aan helanay ayaa sheegaya in ciyaartoyda Koonfur Galbeed iyo kulanka guddoomiye Madaale aan laga gaarin waxnatiijo ah, waxaana socda wali waanwaan lagu joojinayo ciyaartooyda Koonfur Galbeed oo la sheegay in ay damacsan yihiin in bari ay ka dhoofaan Muqdisho, kadib falkii lagu dhaawacay qaar kamid ah ciyaartooyda.


Macalimiinta iyo qaar kamid ah ciyaartooyda ooh adlay kulanka kadib ayaa cadeeyay in ay go’aansadeen in dib ugu laabtaan Baydhabo, go’aankoodii xalayna uusan waxba iska badalin, guddoomiye Madaale ayaa dib uga laabtay isaga oo aan ku qancin ciyaartooyda in ay joogaan, laakiin lama oga in arrintaan ay soo faragelin doonaan madaxda dalka.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cali Shiino iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaan maanta xilli hore kulan la qaatay saraakiisha amniga gobolka oo uu kala hadlay su’aalo laga weydiiyay arrintii lagu weeraray ciyaartooyda Koonfur Galbeed oo sababtay in tartanka dib loodhigo, waxaana dhacdadaan ay noqotay id soo laablaabatay, iyadoo la xasuusto in 2020 sidaan oo kale loo weeraray.