U bood dhigaalka

Sicirbarar Ganacsi oo Noocee ah ayaa ka dhashay Duqeymaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee Ka Dhanka ah Xuutiyiinta?

Sheeko:Ganacsiga

Duulaanka Mareykanka iyo Ingriiska ay ku qaadeen Yemen subaxnimadii Jimcaha ayaa saameyn xun ku yeeshay qiimaha iyo ganacsiga caalamiga ah, iyadoo Qiimaha fuusto saliid ah uu kor u kacay in ka badan 2 boqolkiiba, taas oo ugu wacan tahay cabsida laga qabo weerarrada Xuutiyiinta ee Maraakiib Ganacsiga.

Sidoo kale, shirkadda samayso baabuurta ee ku shaqaysa korontadda ee Tesla ayaa go’aansatay inay joojiso wax soo saarka warshadeed ee baabuurta korontada ku shaqeysa ee Yurub fadhigeedu uu yahay dalka Jarmalka, waxaana shirkaddu sheegtay in ay jirto qalab yari xooggan oo shaqada hoos u dhigtay.

Arrintaan ayaa waxaa ay ka dhalatay sababato la xiriira in Maraakiibta Caalamka isaga kala goosha ay ka leexdeen Badda Cas, kadib cabsi laga qabo in ay weerar ku qaadaan kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yeman, oo saameyn ku yeelatay marin biyoodka Bab al-Mandab oo iskuxir muhiim u ah Caaalamka.


Marinkaan ayaa la sheegaa in boqolkiiba 12 ganacsiga caalamiga ah, ama ku dhawaad trillion dollar, ayaa dhex maraan sannadkii, waana marin mashquul badan uu ka jiro marka la eego isku socodka ganacsiga, xilli dowladda Mareykanka ay badda Cas keentay Maraakiibteeda oo weerarro ka fuliyay gudaha Yeman.

Dawladda Masar ayaa sidoo kale tilmaantay, in isticmaalka Kanaalka Zuways 40% uu hoos u dhac balaadhan ku yimid, taasi oo horseedi karto haddii qalalaasaha gobolku sii socdo in aan la isticmaalinba, waxaana jira in tan iyo 2021 Xuutiyiintu ay weerarro ka geysteen oo lagu qaaday ganacsi.

Tan iyo bilabashadii dagalka ka holcaya bariga dhexe, waxa ay xuutiyiintu beegsanayeen guud ahaan doomaha iyo maraakiibta ku socda israil, taasi waxaa ka dhalatay dhaqaaalo xumo baahsan oo gobolka ah, iyo in shirkado badan oo isticmaali jiray badda cas ay joojiyaan, waana sababta hoos u dhaca keentay.