U bood dhigaalka

Taiwan oo Madaxweyne Dooratay

Codbixiyayaasha Taiwan ayaa Sabtidii shalay bilaabay inay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka madaxtinimo iyo tan baarlamaanka, taasoo Shiinuhu uu ku tilmaamay inay tahay kala doorashada dagaal iyo nabadda, ka dib markii Beijing ay si joogto ah u cambaaraysay murashaxa madaxweyne ee ugu cad cad ee xilka kala wareegaya madaxweynaha hadda Tsai Ing-wen.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in goobaha cod bixinta albaabada loo furay 08:00 xilliga maxaliga ah (03:00 wakhtiga Moscow)., 19.5 milyan oo ka mid ah 23.4 milyan oo qof oo Taiwan ah ayaa codbixiyay, taasoo la micno ah in qof kasta oo ka weyn labaatan jir, uu ka qayb qaatay codbixinta.

Madax waynaha la doortay, waxa uu ahaa qof ay ku wayntahay, madax banaanidda rer taiwan waxaa uu ahaa oo kale qof ay la wayntahay dimuqraadiyadda, si ba ana ugu soo horjeeday inay Taiwan ku laabato chaina, waxa uuna gaashaanka u daruray guud ahaan inay lamidawda jaziiradda Taiwan chaina. waxa uu yiri mar uu lahadlaayay saxaafdda.

“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo dadka reer Taiwan oo qoray buug cusub oo dimoqraadiyaddeena ah, waxaan tusnay caalamka sida aan ugu hanweynahay dimuqraadiyad, tani waa go’aankeena adag,” Lai ayaa u sheegay warbaahinta, isagoo intaa ku daray inuu helay wicitaano taleefoon oo hambalyo ah, oo ka yimid labadii musharax ee xilka kula tartamaayay”.

Natiijadii ka soo baxday guddiga doorashada dhexe ee ayaa muujisay in Lai uu helay 41% codadka dadweynaha halka labadii murashax ee la tartamaayay ay kala heleen 33% iyo 26% siday u kala horreeyaan, Taiwan ayaa gali doonto marxalad kale, taas oo kasoo horjeeda dowladda China oo tirsata dalkaan inuu kamid yahay dalweynaha.

Talaabadan ayaa waxa ay ka cadhaysiisay xukuumada Beijing oo soo saartay bayaan wax yar ka dib markii ay natiijadu soo baxday,waxana ay ku adkaysatay in “Taiwan ay ka tirsan tahay Shiinaha.”, xilli dowladda Mareykanku ay wali ka gaabsanayso in Taiwan ay u aqoonsato dal madaxbannaan, taas oo xumeyn karta cilaaqaadka China iyo Mareykanka.