U bood dhigaalka

Xiriir Kubadda Cagta oo Markale Hakiyay Tartanka, Dalbadayna Soocelinta Kooxda Koonfur Galbeed

Sheeko:Cayaaraha

Guddiga fulinta xiriirka Kubadda Cagta, Ururada kubadda cagta dowlad goboleedyada iyo kan gobolka Banaadir Ayaa manta isugu yimid shir aan caadi aheyn waxaana looga arinsanayay xaalada Tartanka Dowlad Goboleedyada & Gobalka Banaadir, waxaana ugu dambeyn shirka kasoo baxay warsaxaafadeed.

Bayaanka soo baxay oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxa lagu sheegay in gabi’aan tartanka la joojiyay inta dib looga soo celinayo kooxda Koonfur Galbeed oo gabi ahaan tartanka isaga baxday, kadib weerarkii lagu qaaday baskii ay la socdeen maalintii Jimcaha markii ay soo idlaatay ciyaartii guuldara ay qaateen.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa xiriirradu isku raaceen inaan la siiwadi Karin inta laga helayo cid damaanadqaadaysa badqabka ciyaartooyda iyo habsami u socodka tartanka, xilli la xasuusto wixii ka dhacay laba kulan oo kamid ah ciyaaraha tartanka, kuwaas oo mid kamid ah xitaa dhimasho ay dhacday.

Xiriirka kubadda cagta ayaa uga digay shacabka Soomaaliyeed in kubadda cagta oo ah isdhexgal bulsho aan loo badelin arrimo kale, taas oo keeni karta in shacabku ay u kala saftaan maamullada ciyaaraya, waxaana markale xiriirka u uku celiyay in lama huraan ay tahay in Koonfur Galbeed lgu soo celiyo.

Tartanka dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir oo sanadkaan ka dhacaya garoonka Stadium Muqdisho ayaa waxa laba kulan oo kamid laga diiwaan geliyay fowdo, kuwaas oo kale ah ciyaartii u dhaxeysay Banaadir iyo Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo la isweeraray.

Bayaanka kasoo baxay Guddiga fulinta xiriirka Kubadda Cagta, iyo Ururada kubadda cagta dowlad goboleedyada iyo kan gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli ciyaartoyda Koonfur Galbeed ay isaga baxeen tartan iyaga oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, kadib weerarkii lagu qaaday baskooda.