U bood dhigaalka

Yurub: Qurbojoogta Soomaalida oo Dhigaya Bannaanbax Looga Soo Horjeedo Xadgudubka Itoobiya

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub ayaa ka wada hadlay sidii dalalka Yurub looga dhiga lahaa Banaanbax looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Ethiopia iyo heshiiskii lagu saxiixay magaalada Addis Ababa ee u dhaxeeyay Ethopia iyo Somaliland.

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Midowga Yurub ayaa kulan isugu yeeray Xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg ee la isku yirahdo Benelux iyadoo laga jawaabayo baaqii uu Madaxweyna Dr. Xassan Sheekh Maxamuud ka dalbaday Qurbajoogta Soomaaliyeed in ay gutaan doorka kaga aadan xadgudubka ay Ethiopia kula kacday haybadda dawladannimo iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, waxaana bannaanbaxaan uu indhaha caalamka kusoo jeedin doonaan xadgudubka Ethopia.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in Qurbajoogta ku nool wadamada Benelux iyo dhammaan Midowga Yurub in ay is abaabulaan si ay Banaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Ethipia uga dhigaan wadamada Benelux iyo Yurub, islamarkaana si nabad ah ugu muujiyaan in ay ka soo horjeedaan daandaansiga.

Tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii Addis Ababa yaa waxa magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa ka dhacay banaanbax lagu diidan yahay heshiiska Muuse Biixi uu la galay dowladda Ethopia, caalamka ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay, iyadoo Ethopia looga digay iney ku xadgububto Madaxbannanida dalka.

Bannaanbaxaan ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhowaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu baaqay qurbojoogta Soomaalida, waxaana 18-ka bishaan lagu wadaa in Urur-goboleedka IGAD ay kulan ka yeeshaan xiisadda gobolka ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Ethopia oo daris ah marka la eego.