U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo Shaaciyay Dad Loosoo Qabtay Weerarkii Lagu Qaaday Kooxda Koonfur Galbeed

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 11 eedeysane loo qabtay weerarkii 12-dii bishan lagu qaaday xulka kooxda Koonfur Galbeed, xilli ay ka soo laabteen cayaartii ay la dheeleen xulka Galmudug saacaddu markii ay aheed 5:45pm, iyaga oo ku wajahan hoyga ay Muqdisho ka daganaayeen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) oo hadlayay ayaa sheegay in eedeysanayaasha oo ka kooban 9-rag ah iyo 3-dumar ah loo hayo caddeymo horudhac ah inay ku luglahaayeen weerarka cayaartoyda, taas oo keentay in gabi’ahaan ay tartanka isaga haraan kooxda.
“Maanta oo 17-ka January 2024 5 cisho kadib ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa hey’adda sirdoonka qaranka ee NISA waxa ay gacanta ilaa iyo 11 eedeysane oo isugu jira 9 Rag ah iyo 3 Dumar ah, oo dhammaantood ku eedeysan in ay ahaayeen kuwii falkaas qalqalgalinta ah abuuray” ayuu yiri.

Weerarka lagu qaaday kooxda Koonfur Galbeed ayaa sababtay in gab ahan uu istaago tartanka, waxaana sidoo kale isaga baxay kooxda, iyadoo lagu guuldareystay waanwaan la isku dayay in dib loogu soo celiyo, waxaana la ogeyn goota tartanka dib loo bilaabayo, maadama dhacdadii labaad tahay ay la kulmayaan.

Sanadkaan ayaa garoonka Stadium Muqdisho waxa uu martigalinayay tartanka markii ugu horeysay, taas oo keentay in laba kulan ay ka dhacaan dhacddoon aan ku wanaagsaneyn ciyaarta, waxaana sidoo kale jirta in kulankii Banaadir iyo Hirshabeelle lasoo wariyay in dad ay geeriyoodeen iskudhicii jiray awgiis.