U bood dhigaalka

IGAD: Waa in La Ixtiraamo Qarannimada iyo Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya

Magaalada Kampla caasimadda dalka Uganda waxa kusoo idlaaday shirka aan caaddiga ahayn ee Urur-goboleedka IGAD, kaas oo ahaa kulankii 42-aad, waxaana looga hadlayay xiisadda gobolka ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland 1-da bisha.

Madaxda Urur-goboleedka IGAD oo meel uga soo wada jeestay xadgudubka dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Madaxda IGAD ayaa isku raacay in lama taabtaan ay tahay Madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qodobbada waxaa ka mida ahaa sida muhiimka u tahay ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxda ayaa sidoo kale soo jeediyey in Heshiis walba oo Soomaaliya lala galayo uu soo maro dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo wajigabax ku ah damaca guracan ee dowladda Itoobiya, waxaana shirka ka maqnaa hoggaamiyaha Itoobiya oo Abiy Axmed oo wajahaya cadaadis xooggan oo caalamka ka yimid.

Shirka IGAD ayaa waxa gabagabadii laga soo saaray wae-murtiyeed, kaas oo ku qotoma qodobadii ay isku raaceen dhinacyada, waxaana go’aannadii kasoo baxay ay yihiin kuwa loo gudbin doono hoggaamiyaha midowga Afrika ooh ore dhankiisa bayaan uga soo saaray xadgudubka Itoobiya ee ku aadan badda.


Shirka IGAD oo ahaa shir ay dalbatay dowladda Soomaaliya ayaa waxa ka horeeyay shirka Jaamacadda Carabta oo heer wasiir ah, kaas oo garab istaag loogu muujiyay dowladda Soomaaliya waxaana loogu baaqay Itoobiya in ay ilaaliso madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya oo sookabasho ku jirta.