U bood dhigaalka

Kampala oo Maanta Martigelineysa Shirka IGAD ee Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxa lagu wadaa in maanta uu ka furmo shir aan caadi aheyn oo madaxda wadamada Urur-goboleedka IGAD ay ka yeelanayaan xadgudubka dowladda Ethopia ay u geysatay madaxbannaanida, midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo dagaalka dalka Sudan ka socda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomalaiya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa qeyb ka ah shirkan uu iclaamiyay madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya si loo wada hadlo xasaradda gobolka ka jirta.

IGA ayaa dhowaan bayaan uu soo saartay waxa ay ku sheegtay inaan la aqbali Karin in lagu xadgudbo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka kamid ah ururka, waxaana lagu cambaareeyay tallaabada Ethopia ay ku qaaday heshiis ay la gashay Somaliland oo kamid ah gobollada Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Wafdiga wehelinaya ayaa sidoo kale ka qeyb-gali doona shirka Isbaheysiga dalalka dhex dhexaad ka ah, kaas oo ka dhacay isla Kampla waxaana la horgeyn doonaa gardarrada iyo damac guran eek u aadan dowladda Ethopia, Madaxweynaha ayaa labada shir ka jeedinayo Khudbado.
Shirkaan IGAD ayaa waxa lagu wadaa inuu kasoo baxo warsaxaafadeed lagu cambaareynayo dowladda Ethopia, waxaana arrintaan xigi doona shir deg deg ah oo Midowga Afrika uu ka yeesho xaaladda kusoo korortay gobolka iyo xiisadda u dhaxeysa dowladaha Soomaalia iyo Ehopia eek u aadan damaca badda.

Ra’iisulwasaaraha Ethopia Abiy Axmed Cali iyo maamulkiisa ayaa diiday ka qeybgalka shirka IGAD, taas oo cadaadiska ku sii kordhin karta, wararka qaar ayaa sheegaya inuu dalbaday in kulan gaar ah loo qabto isaga iyo Xasan Sheekh Maxamuud, laakiin madaxweynaha Soomaalia ayaa ka biyo diiday kulankaas IGA hortiisa ah.

Shirkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli ay muuqato in dowladda Ethopia ay la kulmayso cadaadis kaga imaanaya caalamka oo ku aadan tallaabada ay qaaday, waxaana loogu baaqay in heshiiskaas gabi ahaan ay ka laabato, xilli Baaralamaanka Soomaaliya uu soo saaray xeer waxkamajiraan ka dhigay heshiislkaasi.