U bood dhigaalka

Ujeedo: Bayaan Rasmi ah ee Jabsashada Barta Goobjoog News ee (X)Twitter

Macaamiisha iyo dadweynaha qiimaha badan ee ku xiran Goobjoog News, maamulka iyo tifaftirka guud ee warbaahinta Goobjoog Media Group waxaa uu idiinla socodsiinayaa dhambaal la xiriira khatar lasoo daristay akoonka barta X Twitter ee GOOBJOOG NEWS.
 
Habeennimadii Arbacada January 17, 2024, Akoonkeenna GOOBJOOG NEWS ee barta X ayaa dhibbane u noqotay weerar dhanka cyber-ka oo ay soo abaabuleen koox aan la garan, iyaga oo sifo sharci darro ah kula wareegay Akoonka, taasi oo khatar gelisay kalsoonidii aan innaga iyo macaamiisha nagu xiran soo dhisnay muddada dheer.

Waxaan adkeynaa in mar weliba hortabin noo leedahay bedqabka iyo hufnaanta xogaha aan idiinla wadaagno. Si aanu uga jawaabno falkan cusub, khubaro IT ayaa howshan gacanta kula jirta, iyaga oo ka shaqeynaya sidii dib loo soo celin lahaa akoonka la jabsaday, dibna loogu howlgelin lahaa.

Waxaan si joogta ah idiinla wadaagi doonna wixii kusoo kordha howlgalka dib usoo cilinta ee socota. Inta ay howshani socotana waxaad nagala socon kartaan baraheenna kale ee rasmiga ah sida Mareegta Website-ka iyo baraha kale ee bulshada.

Waxaas idiinka Mahadcelineynaa kalsoonida aad ku qabtaan adeeggeena, innaga oo idiinku adeegna si xirfad heer sare ee warbaahineed.

Mahadsandiin,

Maamulka iyo Tifaftirka sare.

Goobjoog Media Group