U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Dunida Dhexdhexaadka u sheegay in Heshiiska Abiy iyo Muuse Khatar ku yahay Xasilloonida Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhexdhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya Midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmamay in arrintaan cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin ay saameyn weyn ay yeelan doonto, waxaana uu xusay in ay khatar ku tahay midnimada dhuleed Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya fursadna ay u tahay kooxaha uu sheegay Argigixisada.

“Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale , waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka. ” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Kulanka madaxda dhexdhexaadka ah ee NAM ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli go’aanka kasoo baxay IGAD iyo Jaamacadda Carabta loogu baaqay Itoobiya in ay ilaaliso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo caalamka siweyn uga horyimid tallaabada Abiy.

Dowladaha Mareykanka UK, Midowga Yurub, Midowga iyo Jaamacadda Carabta ayaa hore u sheegay in heshiiska is-afgarad ee dhacay 1-ada bisha uu yahay mid xadgudub ku ah midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana dhammaantood ay garab istaageen Soomaaliya oo dunida turstay gardarrada.