U bood dhigaalka

7 Shabaab ah Oo lagu Dilay Fiidow, Shabeelleda Dhexe

Ciidanka Haya’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanaya Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamiga ah ayaa sheegay in hawlgal qorshaysan ku dilay Toddoba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Sh/Dhexe.

Bayaan kasoo baxay hey’adda markii howlgalka uu dhacay kadib ayaa waxa lagu sheegay in xubnaha lagu dilay howlgalka ay ku jiraan sedex hoggaamiye, halka xubmaha kale ay ahaayeen ilaalo la socotay sida ay NISA baahisay, deegaanka howlgalka laga fuliyay ayaa waxa gacanta ku haya Al-shabaab oo maamulayay.


Magacyada xubnaha la dilay ayaa NISA ku sheegtay.

(1). Cabdiraxmaan Dheere oo hadda Al-habaab u qaabilsanaa weerarada gaadmada ah ee ka gaystaan qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.
(2). Horjooge Mucaad oo asna ka tirsanaa isla qaybta weerada Al-shabaab ay ka gaystaan gobalka Shabeellaha Dhexe.
(3). Horjooge Cabdirisaaq Muuse Khaliif oo ahaa ku xigeenka madaxa lacagaha Sakawaadka loo yaqaano oo ay qaadaan.

Dhanka kale, NISA waxaa ay sheegtay in xubnaha kale ee la dilay ay ahaayeen ilaalo la socotay saraakiisha Fiidow lagu beegsaday, waxaana howlgalladaan ay qeyb ka yihiin dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab oo muddo socda, xilligaan ciidanka dowladda ayaa inta badan gobolka Shabeellaha dhexe gacanta ku haya.