U bood dhigaalka

Masar: Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlaya Xiisadda Gobolka iyo Arrimo kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Masar kadib martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, waxaana sidiiran loogu soo dhoweeyay magalaada Qaahira, waxaana uu la yeelanayaa kulamo.

Madaxweyne Xasan hoggaamiyaha Masar ayaa ka arrinsanaya xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab iyo dowlad.

Booqashada Madaxweynaha ee Masar ayaa imaanaysa xilli gobolka ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ka dhashay heshiis is-afgarad ah ee Itoobiya iyo Somaliland kaasoo dhaliyay diidmo ka timid dowladda federalka, caalamka ayaa intiisa badan la saftay Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo Khudbad ka jeediyay shirka dowladaha dhexdhexaadka ah ayaa sheegay in falka ay Itoobiya ku kacday uu yahay mid halis ku ah Soomaaliya gobolka iyo xasiloonida caalamka, garabana siinaya kooxda Al-shabaab oo hadda guulo badan laga gaaray dagaalka lagula jiro, isaga oo baaqna diray.


“Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale , waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka” ayuu yiri isaga oo ka hadlayay.


Dowladaha Masar iyo Turkiga ayaa hore u sheegay in Soomaaliya ay ka gacan siin doonaan tallaabo kasta oo ay ku difaacanayso madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, taas oo cadaadiska ku badisay Itoobiya, waxaana hadalkaas xigay go’aankii kasoo baxay dowladda Mareykanka oo digniinta u muuqday.

Dowladaha Mareykanka, UK, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda iyo Urur-goboleedka IGAD ayaa si isku mid ah uga horyimid damaca guracan ee dowladda Itoobiya waxaana loogu baaqay ilalainta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ee sanadkii 1960-kii.