U bood dhigaalka

Akhriso: Tartanka Dowlad Goboleedyada oo Dib u Bilaabanaya, Ogow isku aadka iyo Waxkasta oo Ku Saabsan Ila aiyo Final-ka

Sheeko:Cayaaraha

Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho waxa maanta dib uga bilaabanaya tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay hakad galay, kadib dhacdadii ka dhalatay weerar lagu qaaday kooxdii ka socotay Koonfur Galbeed oo keentay in ay ka baxaan tartanka.

Ciyaar la wada sugayo ayaa la filayaa in galabta garoonka ku dhexmarto kooxaha Banaadir iyo Jubaland, kuwaas oo xiiso gaar ah leh, maadaama kulankaan kadib la ciyaarayo Semi-finalka, maadaama tartanka uu soo dhammaaday is-aragiisa groups-ka marka la eego, talaadada ayaa dib loo ambaqaadi Semi finalka.

Kooxda kubadda cagta Hirshabeelle ayaa kulankii labaad waxa ay si bilaasha ah ku heshay 3 dhibcood oo aan loo dhibtoon, kadib kulankii Banaadir laga jaray iyo kulankii ay la qadan lahaayeen kooxda tartanka ka baxday ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Hirshabeelle oo hoggaanka ah ayaa hadda wadata 7 dhibac.
Jubbaland oo ah oo kooxda ugu dhibca yar ayaa u muuqata fursad ay ugu gudbi karto afar-dhammaadka, xitaa haddii ay guul darro qaadato, laakiin haddii galabta laga adkaado waxa ay Semi-Finalka haddana ay la ciyaareysaa Banaadir, taas oo ka dhigan in Galmudug iyo Hirshabeelle ay isku dhici karaan mar kale.

Gobolka Banaadir oo guul-darro la kulma ciyaarta ayaa noqon doonta in qaabka goolal tirsiga lagu kala saaro maadaama ay min 6 dhiban yeelanayaan, waxaana farqiga badaya goolasha garoonka laga dhaliyo, haddii Jubbaland ay sare marto waxaa loo ciyaari Hir-shabeelle iyo Banaadir Galmudug iyo Jubbaland.

Dhinaca kale ciyaarta ayaa noqon karta in Banaadir ay gaaraan kulankooda galabta guul, taas oo keeni karta in markale Jubbaland iyo Banaadir ay is wajahaan, halka Hirshabeelle iyo Galmudug is arkayaan, labada gudubta ayaa wada ciyaari doona finalka tartan dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Galmudug iyo Banaadir ayaa markale ay dhici kartaa in ay finalka isku wajahaan, kadib 2020, finalkii ku dhamaaday Rigoorooyinka looga qaaday Galmudug, waxa kale oo dhici karta in Jubbaland iyo kooxda Hirshabeelle ay tiigsadaan markii ugu horeysay oo ay final wada ciyaaraan tartanka soconaya 2024-ka.