Ha I Dilin Walaaloow, Ree Hebel Ma Ihiye!
Falanqaynta buugga ‘In the Name of Our Fathers” ee uu qoray Abdirizak Y. Osman (Ina Dalmar).
Buugga ‘In the Name of Our Fathers” waa buug ka kooban 218 bog, soo baxay 1996, kuna soo baxay luuqadda Ingiriisiga. Buugga waxaa qoray Abdirizak Y. Osman (Ina Dalmar). Buuggaan Soomaali baa loo turjumay waxaana lagu magacaabaa ‘Aabbayaasheen baa na baday’. Buuggu waa sheeko-faneed xiisa badan, laakiin taariikh iyo dhacdooyin dhab ah ku qotoma.
Aad baan wax u aqriyaa, laakiin waa mar la arag in aan aqriyo buug dareemahayga sidaan oo kale u kiciya. Aqriska buugaagta waad ku raaxaysan kartaa, ku nafisi kartaa, meel fogna ku geyn karaan, laakiin inta badan si buug uu dareemahaaga u kiciyo, waa in meel uun aad adigu buugga kasoo gashaa: waa in naftaada buugga aad ka dhex aragtaa.
Buugga saaxiibkay Ina Dalmar waa buug inta aan sadarradiisa aqrinayay aan dareemayay waxa dhacaya, dhacdooyinka qaarna aan aad u xasuusanayayba. Biibito aan ku dhex aqrinayay baan fadhiyay mar indhahayga oo ilma la qoyan, in la i arkana aan diidayo, uu wiil aan saaxiib nahay i salaamay. Nin sanboor la il daran baan isu ekeeyay oon sidaas ku baxsaday.
Buuggu wuxuu ku saabsanyahay billawgii dagaalka sokeeye ee Soomaaliya. Sheekada buugga waxaa tebinaya Cali Faarax oo ah wiil reerkiisa la nool, gaar ahaan, aabihiis iyo laba xaas ee uu qabo. Cali hooyadiis oo garoob ah baa magaalada dhinac ka dagan, laakiin, in uu mar mar soo salaamo, ama lasoo seexdo mooyee, lama noola. Cali oo noloshiisa ay u ku ekayd iskuul aadis iyo banooni dheelid, buu dagaalku qarxayaa, deetana, aabihiis oo ka mid ahaa aas aasayaasha jabhaddii USC, dalkana ka baxay darteed, buu hal mar isku badalayaa aabihii reerka, oo eedooyinkii ay is necbaayeen noqonayaan saaxiibo nolosha iska fiirsada.
Buuggu wuxuu ka sheekaynayaa hooggii iyo ba’ii Xamar ka dhacay 1991-dii oo ay ka mid ahayd dagaalladii, qaxii magaalada dhexdeeda, iyo safarradii cabsida iyo dhibaatada badnaa ee Xamar looga baxay.
Inta aad buugga aqrinayso waxaad dareemaysaa tala xumadii jabhadaha ee iyagii markii hore isla safnaa, yoolkooduna ahaa in ay dowladdii xiligaas af gambiyaan in ay iyagii qabiil-qabiil isaga soo horjeesteen. Waa cilladda qabyaaladdee, waxaad arkaysaa dad jabhadihii ka mid ahaa oo dowladdii ay wax ka dumiyeen la qaxaya maadaama ay isku qabiil ahaayeen.
Aniga waxaa aad ii taabatay mar Cali uu booqanayo isbitaalka SOS, ee degmada Huriwaa si uu dhaawac u geeyo. Cali wuxuu albaabka ka galayaa isbitaalkii shaqadiisu awal ahayd hooyada iyo dhallaanka ee hadeer isku badalay meel dhaawacyada lagula tacaalo, qalliinana lagu sameeyo. Albaabka isbitaalka laga billaabo illaa saalada dadka lagu qalayo la gaarayo waxaa daadsan dad dhiig baxaya. Waa dad miciin loo keenay, laakiin sariir iyo shaqaalaba loo waayay.
Anigu isla xilligaa, anigoo cunug yar ah, oo xabad dhabarka ay iiga taallo baa isbitaalkaas sidaas oo kale la ii geeyay. Waan xasuustaa dadkii isbitaalka deyrkiisa tubnaa iyo qeylada iyo waalida meesha ka jirtay. Aniga iyagoon i tolin, oo dhacaanka xangullahaygu da’ayo, bay dhabarka meel kale iga jeexeen iyagoo xabad meel ay ku jirto aysan garanayn raadinaya. Wax yar kadib, markii xabaddii ay waayeen, malaha dadkii i qalayana ay awalba ahaayeen arday yar yar, bay iska kay direen oo Digfeer la i dhigay. Mar kale baan sheekadaan ka sheekayn doonaa.
Waxyaalaha dareenka igu kiciyay buugga waxaa ka mid ah mar Cali iyo eedooyinkiis iyo kolonyo ay isla safrayeen ay Jowhar ku dageen si ay habeenkaas u seexdaan. Wiil Cali ay isla safrayeen oo waxay arkayaan qori lagu hayo, in la dilana la rabo. Nin baa qabiil uusan ahayn u malaynaya, wiilkuna isagoo xiiqay buu ku qeylinayaa, ‘Ha idilin reer hebel ma ihiye’. Dhacdooyinka nuucaas ah dareen gooni ah bay isoo xasuusiyeen. Waagaas caadi bay ahayd in qof inta qori lagu qabto la yiraahdo cidda aad tahay sheeg, mar marna reer uusan ahayn in uu yahay lagu nabo. Dad badan baa sidaa ku dhintay.
Buuggu wuxuu taabanayaa dowladdii militariga ahayd iyo dhaqankeedii jujuubka iyo caddaalad darrada ahaa. Isagoo tusaaleyaal isticmaalaya, buu ku tusayaa in dadku ku qasbanaadeen in ay xukunkii Siyaad Barre iska ridaan.
Muhiimadda ugu weyn een buugga ka dhex arkay waa in dadka mar kasta la xasuusiyo dhibkii lasoo maray, dhaqan-qabiileedkeenna dartiisna, dagaal sokeeye Soomaali hoog iyo burbur ma ahane, aysan faaiido ugu jirin.
Ina Dalmar waa qoraa weyn, buugaag dhowr ahna qoray. Buuggaan waan ugu hambalyeynayaa, rajeynayaana in uu buugaag kale ka qoro qibradihiisii nolosha.
Buugga hadii aad u baahantahay, Soomaali ama Ingiriisi, lambarkaan (0613677203) wac, halka aad joogto baa laguugu keenayaa.